50 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Burkina Faso
OUAGADOUGOU, Burkina Faso – Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen tuulo ku taal waqooyiga Burkina Faso, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda.
Weeraryahanada ayaa beegsaday deegaanka Seytenga commune oo ka tirsan gobolka Seno, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada xiriirka la leh Al-Qacida iyo ISIL (ISIS) oo ay ka wadaan kacdoon hubeysan.
"Ciidanku waxay ilaa hadda heleen 50 mayd" ka dib markii tuulada Seytenga la weeraray xilli habeen ah, afhayeen u hadlay Lionel Bilgo ayaa sheegay Isniintii, isagoo intaa ku daray in tirada dhimashadu "ay kordhi karto".
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada dhimashada. Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Isniintii in ugu yaraan 100 qof ay dhinteen, halka ilo maxalli ah oo diiday in magaciisa la sheego ay u sheegeen wakaaladda in ilaa 165 qof la dilay.
Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarka, oo ay ku sheegtay in “ay gaysteen dhibanayaal badan”, waxayna ugu baaqday mas’uuliyiinta inay cadaaladda horkeenaan dembiilayaasha.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay dhacdada, iyaga oo ku baaqay "in la iftiimiyo xaaladaha dilkan".
"Qaabka ay adeegsadaan kooxda argagixisada ah ee fulisay weerarka, oo ah dilka joogtada ah ee qof kasta oo ay kula kulmaan tuulada, waa wax laga naxo", madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Isniintii.
Seytenga ayaa ahayd goob uu todobaadkii hore dagaal dhiig badan ku daatay ku dhex maray fallaagada iyo ciidamada dowladda.
Kow iyo toban booliis ayaa la dilay Khamiistii, taasoo soo dedejisay hawlgal milateri oo ay ciidamadu sheegeen in lagu dilay ilaa 40 dagaalyahan oo fallaago ah.
"Dhiigga daadanaya waxaa sababay aargoosi loo geystay falka ciidanka," ayuu yiri afhayeenka dowladda Bilgo.
"Dadkii waa la laayay laakiin ciidanku shaqadiisa ayay wataan."
Hay'adaha samafalka ee gobolka ayaa sheegay in ilaa 3,000 oo qof lagu hayo guryaha magaalooyinka deriska ah ka dib markii ay ka qaxeen tuulada.
Weerarkan ayaa ah midkii ugu dhiig daadinta badnaa tan iyo afgambigii militari ee bishii Janaayo, markaasoo kornayl ka tirsan ciidamada qaranka – oo ka careysan guul darada saraakiisha ay ku jabiyeen kooxaha hubeysan – ay xilka ka tuureen madaxweynihii la doortay ee dalkaasi, Roch Marc Christian Kabore.
Ninka xoogga leh ee cusub ee dalka, Gaashaanle Dhexe Paul-Henri Sandaogo Damiba, ayaa isla markiiba wacad ku maray inuu amniga ka dhigi doono mudnaanta koowaad.
Ka dib markii uu yara nastay dagaalladii afgambiga ka dambeeyay, weerarrada ayaa dib u soo laabtay, iyadoo saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid iyo ciidan isugu jira. Weerarada ayaa ku soo ururay waqooyiga iyo bariga dalka.
Gobolka Saaxil oo aan bad lahayn ayaa waxaa ka socda kacdoon hubeysan oo todobo sano jirsaday kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo qof, kuna qasbay ilaa 1.9 milyan oo qof inay ka barakacaan guryahoodii Burkina Faso tan iyo sannadkii 2015-kii.
GAROWE ONLINE