Abiy Axmed iyo Afwerki oo siixay Heshiis, lana gudoonsiiya Bilad qaali ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JEDDAH - Ra'iisul Wasaaraha dalka Eithiopia, Abiy Axmed iyo Madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa si rasmi ah heshiiskoodii nabadda ee ay ku gaareen bishii July uga saxiixay maanta munaasabad ka dhacay magaalada Jeddah.

Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin C/casiis ayaa gudoonsiiyay Abiy Axmed iyo Isaisa Afwerki biladda ugu qiimaha badan dalkiisa, ee loo yaqaano Badr ama [the Order of Abdulaziz Al Saud], taasoo la siiyo madaxda aan Muslim-ka ahayn.

Xafladda lagu gudoon-siinayey hogaamiyaasha labadaan dal ee ku yaala Geeska Afrika oo ka dhacay magaalada Jeddah waxaa goobjoog ka ahaa Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salman.

Martida kale ee munaasabadda kasoo qayb-gashay waxaa kamid ahaa, Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobey, Antonio Guterres kaasoo abaalmarin gudoonsiinta qayb ka ahaa.

Ujeedada loogu abaalmariyey Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki ayaa lagu sheegay inay tahay si loogu dhiiro-geliyo heshiiska ay kusoo gabagabeeyeen colaad dhextaalay labadda dal, tobanaan sano.

Heshiiska ayaa si rasmi ah loogu saxiixay magaalada Jeddah xili Sacuudiga uu qayb ka ahaa dalalkii ka dambeeyay inay heshiiyaan  Ethiopia iyo Eritrea oo colaada ka dhaxaysay galaafatay nolasha dad badan.

Bishii July ayey ahayd markii ay labadda dal dib boorka uga jafeen xiriirkooda diblumaasiyadeed, taasoo timid kadib socdaal lama filaan ah oo uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ku tegay caasimada Eritrea ee Asmara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM