Abiy Axmed iyo Xaaskiisa oo loo ogolaadey inay korsadaan canug aysan dhalin

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Maxkamada heer Federaal ah ayaa u ogolaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo marwada 1aad ee dalkaasi, Zinash Tayachew, inay kor-sadaan canug aysan dhalin oo loo baxshey magaca "Million".

Wiilkan yar ayaa in mudo ah ku xeersnaa xarunta lagu xanaaneeyo ogoonta ee Kibebe Tsehay, taasi oo ku taala magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Aqbalaada maxkamada ayaa ka dambeysay markii codsi ay gudbisatay Zinash, taasi oo xukunka kadib la hadlay wariyaasha iyada oo sheegtay inay wiilka uhibeyn doonan kal-gaceyl iyo xanaaneen.

Bishii hore ee Janaayo 22-deeda ayay ahayd markii qoyska Abiy u gudbiyeen maxkamada dalab ah in loo ogolaado korsiimada Ubadkaan.

Dhanka kale, Meaza Ashenafi, madaxwaynaha maxkamada sare ee Itoobiya ayaa hambalyo ku aadan arrintaan u dirtay Zinash iyo Dr Abiy.

"Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha iyo marwada 1aad waa ay ku daysan karaan dadka Itoobiyaan si ay uga faa’ideystaan caruurta la dayacay," ayay hadalkeeda kusii dartay Meaza Ashenafi.

Shacabka reer Ethiopia ayaa si wayn u hadalhaya arrintaan, iyaga oo is-waydiinaya sababta, maadaama Abiy iyo xaaskiisa ay haystaan caruur, inkasta oo kuwa taageersan ay ku bogaadinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM