Abiy Axmed oo dhex-dhexaadinaya khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed  iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay gaarey magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Abiy Axmed oo hadda ah gudoomiyaha Ururka IGAD ayaa dhex-dhexaadinaya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo u dhaxeeysa xiisad diblumaasiyadeed oo salka ku haysa muranka xuduudda badda.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa si gaar-gaar ah ula kulmay Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ugu yeeray Addis Ababa todobaadkan kahor inta aysan isagu geynin labada hogaamiye magaaladda Nairobi, oo maanta kulan ku yeelanayaan.

Abiy Axmed ayaa ahmiyad gaar ah siinaya sidii uu usoo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, taasoo haddii ay sii socoto saameyn ku yeelan doonta qorshihiisa ku aadan gobolka, oo iskaashi amni, mid dhaqaale iyo is-dhexgal ganacsi uu ka socdo.

Kulanka saddex geesoodka ah ee maanta Nairobi ku yeelanayaan Farmaajo, Uhuru Kenyatta iyo Abiy Axmed ayaa la filayaa in lagu qaboojiyo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaanan xalay kuso dhaweyn Garoonka diyaradaha Jomo Kenyatta wafdiga Farmaajo iyo Abiy Axmed, iyadoo arintaasi laga bixiyay fasiraado kala duwan. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM