Abiy Axmed oo dhex-dhexaadinaya khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed  iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay gaarey magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Abiy Axmed oo hadda ah gudoomiyaha Ururka IGAD ayaa dhex-dhexaadinaya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo u dhaxeeysa xiisad diblumaasiyadeed oo salka ku haysa muranka xuduudda badda.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa si gaar-gaar ah ula kulmay Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ugu yeeray Addis Ababa todobaadkan kahor inta aysan isagu geynin labada hogaamiye magaaladda Nairobi, oo maanta kulan ku yeelanayaan.

Abiy Axmed ayaa ahmiyad gaar ah siinaya sidii uu usoo afjari lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, taasoo haddii ay sii socoto saameyn ku yeelan doonta qorshihiisa ku aadan gobolka, oo iskaashi amni, mid dhaqaale iyo is-dhexgal ganacsi uu ka socdo.

Kulanka saddex geesoodka ah ee maanta Nairobi ku yeelanayaan Farmaajo, Uhuru Kenyatta iyo Abiy Axmed ayaa la filayaa in lagu qaboojiyo khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaanan xalay kuso dhaweyn Garoonka diyaradaha Jomo Kenyatta wafdiga Farmaajo iyo Abiy Axmed, iyadoo arintaasi laga bixiyay fasiraado kala duwan. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM