Abiy Axmed oo dhimaya tirada Gollaha Wasiiradda Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia, Abiy Axmed ayaa qorsheynaya inuu dhimo tirada xubnaha Gollahiisa Wasiiradda cusub, waxaana sharci uu go'aankan ku fulinayo u gudbiyay Baarlamaanka dalkaasi.

Agaasiimaha Xafiiska Abiy Axmed, Fitsum Arega ayaa sheegay in kulankii shalay ee Gollaha Wasiiradda Eithiopia looga dooday hindisaha Ra'iisul Wasaaraha, kaasoo ay ansixiyeen kadibna loo gudbiyay gollaha sharci dejinta, oo meel-marintiisa looga fadhiyo.

Gollaha Wasiiradda Eithiopia oo hadda ka kooban 28 xubnood, ayaa la qorsheynayaa in laga dhigo 20 Wasiir, waxaana uu Abiy Axmed doonayaa inuu abuuro Wasaaraddo cusub, si looga jawaabo baahiyaha dalka ka jira iyo isbedellada siyaasadeed ee socda.

Wararka ayaa sheegay in isbedelka lagu sameynayo Gollaha Wasiiradda ay fursad u heli doonaan mucaaradka in xubno looga magacaabo, maadaama Xukuumadda Abiy Axmed ay heshiisyo nabadeed la gashay Jabhadihii dalkaasi dagaallada kawaday.

Abiy Axmed oo xilkan loo magacaabay April 2018, kadib markii uu si lama filaan ah isku casilay Hailemariam Desalegn ayaa liiska argagaxisadda ka saarey saddex urur oo ONLF kamid yahay, waxaana uu cafis u fidiyay kumanaan maxaabiis ah.

Waxuu sidoo kale balan qaadey Abiy inuu qaban doono 2020 doorasho xor iyo cadaalad ah, iyadoo ugu baaqay dhamaan qowmiydaha inay gacmaha is qabsadaan, oo soo afjaraan colaadaha u dhaxeeya si dalka loo gaarsiiyo himiladda uu hiigsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM