Abiy Axmed oo gaarey Jigjiga iyo Cagjar oo xil cusub loo doortay

Image

JIGJIGA - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta gaarey magaaladda Jigjiga, ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Axmed Shide oo ah wasiirka maaliyadda Itoobiya ayaa Abiy Axmed kusoo dhaweeyay Jigjiga, waxaana loo galbiyay xarunta uu ka socdo Shirka 10aad ee Xisbiga haya talada dowlad degaanka.

Abiy Axmed ayaa u tagey Jigjiga inuu soo xiro Shirka u socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay xisbiga dimuqraadiga Soomaalida [Somali Democratic Party (SDP].

Shirka ayaa lagu bedelay magaca iyo astaantii Xisbiga, oo laga saarey eraygii horgalaha u ahaa ee Itoobiya, iyadoo doorasho la qabtey loogu doortey Mustafe Cagjar gudoomiye ku xigeenka Xisbiga, iyadoo Axmed Shide oo gudoomiye u noqday.

Warbaahinta Itoobiya oo Mustafe Cagjar u aqoonsatay tahay inuu yahay Madaxweyne ku xigeen, maadaama uusan ahayd ninka ugu sareeya Xisbiga SDP, oo Axmed Shide ka sarreeyo ayaa doonaya in isbedel la taaban karo ka sameeyo dowlad degaanka.

Xubnaha Xisbiga SDP ayaa u badan raggii lasoo shaqeeyay mamulkii hore ee Cabdi Illey, kuwaasoo doonaya in wali awoodda ay baaqi kusoo ahaadaan xilli ONLF oo dhawaan heshiis la gashay Addis Ababa doonayso inay doorashada xisbi ahaan uga qeybgalaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM