Abiy Axmed oo socdaal laba maalin ah ay uga bilaabatay Israel

Image

TEL AVIV, Israel – Kadib martiqaad uu ka helay Benjamin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku tegay Israa'iil socdaal laba casho ah.

Abiy ayaa waxaa wehliya Gedu Andargachew, wasiirka arrimaha dibadda, Lemma Megersa, wasiirka difaaca iyo xubno kale.

Soo dhaweyn kadib, waxaa loo galbiyey goob gaar ah oo loo qorsheeyay in ay ku sugnaadaan inta ay booqashada ku joogan Yahuuda.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ayaa la balansan dhigiisa Netanyahu iyo madaxweyne Reuven Rivlin, isaga oo booqan doono xarumo kala duwan.

Itoobiya iyo Yahuuda ayaa waxay wadagaan xiriir iyo iskaashi dhanka beeraha, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimo kale.

Dhinacyadda ayaa waxay kawada xaajoon doonan arrimaha daaran qodobaasi, gaar ahaan xoojinta gulufka ka dhanka ah jabsashada computer-ka.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa waxay intaasi raacisay in ay jiri doonan is-afgaradyo ay daraf-yadda qalinka ku jiidi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM