Abiy oo booqasho laba maalmood ah ay uga bilaabatay Asmara

Image
Image
Image
Image

ASMARA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu ka degay Asmara, caasimada Eritrea, kaasi oo ah safar aanan horey loosii shaacin.

Abiy Axmed ayaa waxaa madaarka diyaaradaha kaga hortegay kuna soo dhaweeyay madaxweyne Isaias Afwerki iyo xubno kale.

Yemane G. Meskel, wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa shaaciyey in Abiy ay dalkaasi uga bilaabatay booqasho qaadan doonta muddo laba maalmood ah

Wasiirka ayaa tilmaamay in labada mas'uul ay kawada xaajoon doonan adkeynta iskaashiga labada dowladood iyo danaha gobolka ee ay wadaagan.

Wafdiga Itoobiya ee socdaalka qaybta ah ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo mas'uuliyiin dowladeed oo kale.

Socdaalkan ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo ay hal sano kasoo wareegatay markii ay soo afjareen labada dhinac colaad tobanaan sano ka dhaxeysay.

Heshiiskaasi taariikhiga ah waxaa qayb ka ahaa isu furida xuduudaha iyo qadadka talafoonda, dib u howlgelinta safaaradaha iyo in Eritrea lagu wareejiyo magaaladda Badme oo xudun u ahayd colaada labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM