Abiy oo booqasho laba maalmood ah ay uga bilaabatay Asmara

Image
Image
Image
Image

ASMARA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu ka degay Asmara, caasimada Eritrea, kaasi oo ah safar aanan horey loosii shaacin.

Abiy Axmed ayaa waxaa madaarka diyaaradaha kaga hortegay kuna soo dhaweeyay madaxweyne Isaias Afwerki iyo xubno kale.

Yemane G. Meskel, wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa shaaciyey in Abiy ay dalkaasi uga bilaabatay booqasho qaadan doonta muddo laba maalmood ah

Wasiirka ayaa tilmaamay in labada mas'uul ay kawada xaajoon doonan adkeynta iskaashiga labada dowladood iyo danaha gobolka ee ay wadaagan.

Wafdiga Itoobiya ee socdaalka qaybta ah ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo mas'uuliyiin dowladeed oo kale.

Socdaalkan ayaa wuxuu imaanaya iyadda oo ay hal sano kasoo wareegatay markii ay soo afjareen labada dhinac colaad tobanaan sano ka dhaxeysay.

Heshiiskaasi taariikhiga ah waxaa qayb ka ahaa isu furida xuduudaha iyo qadadka talafoonda, dib u howlgelinta safaaradaha iyo in Eritrea lagu wareejiyo magaaladda Badme oo xudun u ahayd colaada labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM