Afwerki iyo Abiy Axmed oo markii ugu horeysay booqday South Sudan

Image
Image

JUBA, South Sudan - Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagey dalka South Sudan maanta oo Isniin ah, iyagoo ka soo duulay magaaladda Asmara.

Labada hogaamiye oo mudooyinkii dambe saaxibtinimadooda sii xoogeysanaysay ayaa kulanka saddex geesood ah Jubba kula leh Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir oo ay kawada hadlayaan arrimaha gobolka iyo danaha ay wadaagaan.

Booqashada Abiy iyo Isaias Afwerki ee Juba ayaa qaadan doonto hal maalin.

Maalintii shalay waxaa Asmara kulan ku yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki oo si gaar ah wadahadalkooda diiradda ugu saarey colaadda South Sudan iyo qodobo kale oo xaaladda gobolka khuseeya.

South Sudan ayaa ka go'aday Sudan July, 2011 ayaa tan iyo markaasi ka socdeen dagaallo sokeeye, iyadoo dalkan ugu da'da yar Africa hodon ku yahay shidaal kaaso oo colaadda ka socota darteed loo soo saari la'ayahay.

Itoobiya ayaa ciidamo nabad ilaalin ah oo UN-ka hoostaga ka jooga South Sudan kuwaasoo ka howlgala meelaha ugu daran ee dagaalladu ay ka socdaan.

Salva Kiir ayaa sanadkii tagey heshiis nabadeed la galay mucaaradka, kaasi oo dalalka IGAD ay dhex-dhex-dhexaadintooda ku yimid, waxaana lagu wadaa in dhinacyada ay awood qeybsiga sameeyaan.

Abiy Axmed oo talada la wareegay April, 2018 ayaa ka shaqeynaya sidii dalalk Geeska Africa u midoobi lahaayeen, una sameysan lahaayeen iskaashi dhaqaale, loona soo afjari lahaa colaadaha u dhaxeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM