Agoonta xasuuqii Rwanda oo wali baadigoobaya magacyadooda

Image

KIGALI, Rwanda – Maanta oo kale 7-dii April, 25-sano kahor oo laga joogo Rubuc qarni waxaa ka dhacay Rwanda xasuuqii ugu dhimashada badnaa dunida casriga ah.

Mashaqadaasi oo socotay 100 maalmood waxaa lagu dilay boqolaal ruux oo badankooda kasoo jeeda qowmiyadda Tutsis.

Dhibtaasi ayaa la sheegay in ay geysteen rag hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Hutus, kuwaasi oo lagu tilmaamay in ay xagrijiin yihiin.

In ka badan 800-kun oo kamid ah dadka kasoo jeeda qowmiyadda Tutsis ayaa la sheegay in aas-wareed loo sameeyay.

Sidda laga soo xigtay hay’addaha caruurta Qaramada Midoobay, 95-kun oo caruur ah ayaa ku agoon-towday dhacdadaasi.

Qaar kamid ah dadkii ka badbaaday musiibadaasi oo qaarkood ay wali nool yihiin ayaa markii ay ka sheekaynayaan wixii dhacay ilmeynaya.

Kuwa agoonta ah oo waalidkood ku waayay waxa ay la daalaadhacaya in ay helaan magacyadooda dhabta ah, maadaama aysan jirin cid u sheegtay.

Jean Paul, Ibrahim iyo Oswald oo haatan ah dad qaan-gaar ah ayaa kamid ah, kuwaasi oo si lamid ah aanan raq iyo ruux ku haynin waalidkooda.

BBC-da ayay u sheegeen in midkoodba uu kan kale ka caawiyo sidii uu u heli lahaa magaciisa iyo raad-raac muujin kara isirkooda.

Helistu waa halkeeda balse ma aysan ka rajo dhigin in ay maalin un helayaan magacyadooda iyo xubno kamid ah qoyskooda.

Dowlada oo sanad kasta maanta oo kale xusto xasuuqa ayaa ku taagaareysay agoonta in ay helaan magacyadooda iyada oo sameysay barnaamijyo fududeynaya inkasta oo magacyo ku meel gaar ah ay leeyihiin.

Rwanda, dalkii ugu dambeeyay ee Afrika ee uu ka dhoco xasuuq, balse haatan kamid ah kuwa ugu horumarsan dunida iyo qaarada, ayaa aad loogu ixtiraamaa sida uu uga soo kabtay iyo siduu u xaliyay mushkilada dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM