Al-Shabaab oo Ajnabi kasoo afduubey Kenya iyo howlgal ka socda xadka

Image

MANDHEERA, Kenya - Dagaalyahano katirsan Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa labo dhaqtar oo u dhashay wadanka Cuba kasoo afduubtey maanta gudaha dalka Kenya.

Charles Owino, oo ah afhayeenka booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in gaari ay la socdeen labada dhaqtar iyo askar ilaalo u ahayd lagu weeraray gudaha Mandheera xilli ay kusii jeedeen Isbitaalka magaaladda, oo ay ka howlgali jiraan.

Booliska ayaa magacyada Dhaqaatiirta ku kala sheegay Landy Rodriguez, oo ah Dhaqtir qaliinka ah iyo Herera Correa oo ah Dhaqtar qaabilsan cudurada guud, waxaana labaduba ka shaqeynayay Isbitaalka Mandheera mudo hal sano ah.

Dableyda ayaa toogasho ku dishay mid kamida labo Askari oo ilaalo u ahayd Dhaqaatiirta intuu uu socday weerarka afduubka ah, waxaana la sheegay in muwaadiniinta ajnabiga ah lagala soo gudbay xadka Soomaaliya.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay inuu socdo howlgal baadi-goob ah, iyadoo Booliska iyo Militeriga ay ku raadjoogaan dableyda si ay uga soo furtaan Dhaqaatiirta.

Goobjooge ayaa sheegay in Kooxda afduubka geysatay ay wateen labo gaari oo kuwa raaxadda ah, iyagoo ku hor-gooyay Gaariga ay saarnaayeen shaqaalaha caafimaadka, kadibna halkaasi kasoo kaxeystay.

Mandheera ayaa qiyaastii 1-KM u jirta xuduuda Soomaaliya.

Labada Dhaqtar ee la afduubey ayaa kamid ahaa 100 Dhaqtar oo u dhashay Cuba, kuwaasoo bishii June ee 2018 u tagey Kenya inay ka shaqeystaan Isbitaallada ku yaalla dalkaasi.

Waxaa jiray mudooyinkii dambe cabsi soo foodsaartey Dhaqaatiirta, kadib markii ay kordheen weerarada iyo falalka afduubka ay Al-Shabaab ka geysanayso gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya.

Gobolkan ku dhaw xadka Soomaaliya ayaa ka cararay Macalimiinta aan Muslim-ka ahayd ee u dhashay Kenya iyo dadka kale ee ajnabiga ah, iyadoo ay xirmeen goobihii dalkiisa sababo amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM