AL SHABAAB oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka ka socda dhismaha Riverside, oo ka kooban Hotel lagu magacaabo Dusti iyo xafiisyo, oo ku yaalla xaafadda Westlands ee galbeedka Nairobi.

C/casiis Abu Muscab, oo ah Afhayeenka dhanka howlgallada Al-Shabaab ayaa sheegay in howlgal ay kawadaan magaalada Nairobi, isagoo aan sheegin tirada dagaalyahanada ku lugta leh iyo khasaaraha.

"Waxaan howlgal ka fulinaynaa Nairobi," ayuu yiri Afhayeenka.

Weerarka ayaa ku billowday labo qarax, oo xigay rasaas ay is-waydaarsanayaan dableyda hubeysan iyo ciidamada amaanka dowladda Kenya, oo isku dayaya inay xaaladda gacantooda kusoo celiyaan.

Dad badan ayaa ku xanniban gudaha dhismaha, iyadoo wararkii ugu horeeyay ee khasaaraha ay sheegayaan in saddex qof ay ku dhinteen rasaasta, islamarkaana lasoo badbaadiyay dhowr qof oo qaarkood dhaawacyo qaba.

Weerarkan ayaa dadka soo xasuusiyay midkii lagu qaadey September 2013 xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall kaasoo lagu dilay 67 qof oo ajnabi iyo Kenya isagu jiray.

Al Shabaab ayaa kusoo beegtay weerarka maanta ee ka socda Nairobi sanad-guuradii 3aad ee weerarkii saldhigga ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-Cadde kaasoo boqolaal askari lagu dilay.

Bishii April 2, 2015, ugu yaraan 148 oo qof ayaa lagu dilay weerar Al Shabaab ku qaadey University of Garissa, oo bariga dalka Kenya ku taalla, kuna dhaw xuduuda Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM