Amniga Kenya oo la adkeeyay kahor natiijadda Maxkamadda Sare

Image
Ciidamada booliiska waxaa garab siinaya kuwa asluubta iyo kuwa illaalada duurjoogta iyo qaar kale. 

NAIROBI, Kenya - Ciidamada booliiska Kenya ayaa la galiyay heegankii ugu sareeyay, waxaana loo kala daabulay goobo cayiman ka hor inta aanan maalinta isniinta ah lagu dhowaaqin natiijadda dacwadda Maxkamadda Sare ee ku saabsan doorashadii dhacday bishii hore. 

Waxaa baqdin weyn laga qabaa in rabshado ka dhex dilaacaan qaar ka mid ah beelaha musharixiintooda ay ku loolamayaan xilka madaxtinimada Kenya. 

Ciidamada booliiska waxaa garab siinaya kuwa asluubta iyo kuwa illaalada duurjoogta iyo qaar kale. 

Safaaradda Maraykanka ayaa shalay ka digtay in meelo ay ka mid tahay magaalada Kisumu oo ay ku badanyihiin taageerayaasha Raila Odinga laga filan karo rabshado, sidaasi awgeedna muwaadhiniinta Maraykanka ayaa looga digay in ay halkaasi u safraan.

7 garsoore oo fadhiya Maxkamadda Sare ayaa maalmahan waday dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah doorashadii dhacday oo Raila Odinga uu sheegay in lagu shubtay, iyada dhinacyada oo dhan ay soo bandhigayeen caddaymaha ay hayaan. 

Dhagaysiga dacwadda ayay dadka kala socdeen idaacadaha la iska arko.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM