Arday 14-sano jir ah oo u dhintay haraanti uu ku dhuftay macalin

Image

NAIROBI, Kenya - Arday ilmo yar ah oo dhigta fasalka 6aad ee Dusiga hoose ee Mikuyuni, kaasi oo ku yaalla magaalada Kibwezi, wadanka Kenya ayaa u dhintay haraanti uu ku dhuftay macalin, sida ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah.

Marxuumka oo 14-sano jir ahaa ayaa markii ugu dambeysay oo uu neefsado waxay ahayd goortii la keenay Isbitaalka ku yaala ismaamul goboleedka Kibwezi Amref halkaasi oo daaweyn loo geeyay.

Ben Chagulo, taliyaha booliska magaalada, ayaa sheegay in laamaha amaanku ay baaritaan ku bilaabeen waxa dhaliyay geeridaan lama filaanka ah ee ku timid ardayga.

"Waa xaqiiqo in ku dhintay ardayga iyada oo la badbaadinayo, balse waxaan baaris ku wadnaa waxa noola sheegay in ay keentay geeridiisa," ayuu taliyuhu yiri, sida ay sheegayso majaladda Daily Star.

Taliyaha oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray in warbixinta natiijada baaritaankooda ay kusoo bandhigi doonan cida falka sameysay.

"Ma dooneyno in aan raacno hadal-heynta, sidaasi owgeed, aanu ka war sugno natiijada kooxda baarista wada," ayuu Ben Chagulo daba dhigay hadalkiisa.

Xiisad ka dhalatay naxdinta waalidka iyo maamulka ayaa ruxday Isbitaalka, kuwaasi oo rabay in ay akhbaar ka helaan waxa dhacay.

Meydka ayaa la dhigay qaybta lagu keydhiyo meydadka ee Isbitaalka, halkaasi oo baaqi kusii ahaan doono inta ay baarayaashu kasoo gabageynayaan howlgalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM