Arday dacwad kaga guuleysatay iskuul u diiday tukashada Salaada

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ayaa xukmisay in ardayda Muslimiinta ah ee dhigata Dugsiga Visa Oshwal Academy ee ku yaala xaafada Parklands ee magaalada Nairobi in ay Salaada ku dhex tukan karaa gudaha iskuulkaasi.

Xukunkaasi ayaa ka dambeeyay markii maamulka iskuulka uu soo rogay sharci cusub oo ka mamnuucaya ardayda Muslimiinta ah in aysan ku oogi karin gudaha dugsiga Salaada inta ay goobtaasi waxbarasho ku sugan yihiin.

Sharcigaasi ayaa soo ifbaxday markii weerar lagu ekeeyay xarunta ganacsi ee Westgate sanadkii 2013-kii, halkaasi oo ay Al-Shabaab ku dishay tobanaan ruux oo u badan shacab u soo tukaameysi doontay.

Sidda ay sheegeen waalidiinta, ardayda Muslimiinta ah ayaa sidoo kale loo diiday in cunto u doontaan gurigooda kahor inta aysan xiisadaha galabkii aysan bilaaban, taasi oo aanan horey u jirin.

"Waxaa lagu faray in ay kasoo qadeeyana hoygooda taasi oo aanan jirin markii hore," ayay ku doodayaan waalidiinta, sidda ay kasoo xigteen warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Kenya.

Guusha ay gaaraan ardayda Muslimiinta ah ayaa timid ka gedaal markii Gole Sare ee Muslimiinta Kenya ay cabasho u gudbiyeen maxkamada, taasi oo ugu dambeyntii soo saartay xukunkaan ay ku farxeen.

Qaar kamid ah madaxda Kenya oo horey u cambaareeyay sharciyadaasi ayaa bogaadiyay xukunka Maxkamada, oo ay si lamid ah so dhaweeyeen shacabka Muslimiinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM