Askari Kenyan ah oo la'yahay kadib weerar ka yimid Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta dowladda waddanka Kenya ayaa waxay xaqiijiyeen in dagaalameyaal ka tirsanaa Al-Shabaab ay weerar culus ka geysteen gudaha dalkaasi dhaca Geeska Afrika.

Duulaanka oo uu ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo ka dhex-maray dableyda iyo ciidanka Kenya ayaa ka dhacay degaanka Lafey ee ismaamulka Mandera.

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadka oo la sheegay in uu socday muddo dhowr daqiiqado ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa tibaaxay in sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ay burburiyeen anteenadda shirkad isgaarsiin oo aysan shaacin magaceeda.

Ruuxa dhaawaca ah oo haatan lala tacaalayo xaaladiisa caafimaad ayaa magaciisa lagu sheegay Isaaq Cabdi Buulle, oo ah macalinka dugsi qur'aan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hal askari oo boolis ah ilaa iyo haatan la la'yahay kadib dhacdadan, oo aysan wali war kasoo saarin Al-Shabaab.

Maamulka maxaliga ah ee tuuladda ayaa waxay dowladda dhexe ee Kenya ka dalbadeen in ay kala shaqeyso baadigoobka askariga la la'yahay.

Tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, Al-Shabaab oo gudaha dalkaasi guuto ka sameysatay ayaa weeraro ay ku naf-waayeen boqolaal shacab u badan ku dishay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM