Xildhibaano ka horyimid qorshaha darbiga xadka Soomaaliya-Kenya

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo sida ku dhacday in lacag gaaraysa 35 milyan oo dollarka Mareykanka lagu dhiso derbi dhirirkiisu gaaraya 10-KM xadka Soomaaliya.

Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa dalka Kenya ayaa laga codsaday in si dhab ah u baaro dhaqaalaha ku baxay mashruuca dhismaha gidaarka, oo Xukuumadda Uhuru Kenyatta lagu eedeeyay inay ku kacday musuq-maasuq.

Walaaca ay qabaan Xildhibaaannada ayaa yimid kadib markii la sheegay in Xukuumadda aysan derbi dhab ah ka dhiseynin xuduuda, oo waxa la dhisay yihiin silig lagu wareejiyay masaafo dhan 10-KM.

Mashruucan oo dowladda Kenya billowday 2014 ayaa loogu talo-galay markii hore in derbi dheer oo fidsan 700-KM laga dhiso inta u dhaxaysa Mandheera iyo Lamu, si looga hortago weerarada Al-Shabaab ay kasoo qaado gudaha Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa kasoo horjeestay mashruucan shakiga dhaliyay, iyadoo ku doodaya inuusan ahayn derbiga mid la isku halleyn karo, oo lagu difaaci karo amniga dalka Kenya.

Aadan Barre Ducaalle oo laga soo doorto Garissa ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in shaqsiyaad ay u adeegsadaan amni xumada gobolka Waqooyiga Bari ee dalkaasi inay lacago iyo hantida dadweynaha ku lunsadaan.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Guddiga difaaca Baarlamaanka Kenya inuusan difaacin mashruucan musuq-maasuqa ka jiro, oo uu runta u sheego shacabka in derbiga uusan ahayn midkii horey ansixiyay.

Derbiga ayaa ah saddex qeybood - qeybta waqooyi oo kasoo billaabata Mandheera kuna dhamaata Ceel-Waaq oo 160-KM ah, qeybta bartamaha oo ka billaabata Ceel-Waaq, kuna eg Libat oo 445-KM ah iyo qeybta Koonfur, laga soo billabo Libat illaa Kiunga oo 105-KM ah.

Meelaha derbigaan laga dhisayo ayaa waxay saameysay magaalooyin ku yaalla Soomaaliya oo Beled-Xaawo kamid tahay, iyadoo shacabka halkaasi ku nool ay sheegeen in Kenya ay kusoo xad-gudubtay dhulka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM