Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay Jigjiga kadib rabshado ka dhacay

Image

JIG JIGA, Itoobiya - Xaalada magaalada Jigjiga ee caasimad dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa degan kadib markii rabshado ka dhaceen magaalada, kuwaasi oo u dhaxeeyay dadka degaanka iyo Amxaarada.

Isku dhacyada oo aanan la ogayn waxa dhaliyay ayaa la sheegay inay geysteen waxyeelo soo kala gaarey shacbiga labada dhinac, kuwaasi oo qaarkood la dhigay Isbsitaalada si loola tacaalo.

Kadib markii ay dhaceen qul-qulatooyinkaan, waxaa shir deg deg ah isugu yimid laamaha amaanka ee gobolka iyo Federaalka, kuwaasi oo shirkooda kasoo saarey amaro cusub oo lagu soo rogay magaalada.

Cabdullaahi Maxamed Cabdi, ku xigeenka hogaanka cadaalada DDSI, oo warbaahinta uga xog-waramay awaamiirtaas cusub ayaa xusay inay ka mid yihiin in Bandow lagu soo rogay Jigjiga wixii ka dambeeyay 10 fiidnimo.

Mr Cabdi ayaa daboolka ka qaaday in la faray cid kasta oo dooneysa inay shir qabto looga baahan yahay inay marka hore kusoo war-geliso dowlada degaanka si dhaqdhaqaaqooda iyo amaankooda loo sugo.

Ciidamada ayuu hoosta ka xariiqay in la siiyay awood dheeraad ah oo ay xabsiga ku dhigi karaan cid kasta oo ay tuhmaan inay wado falal lagu khal-khal gelinayo nabad-gelyada, si baaritaan loogu sameeyo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ku nuux-nuux saday in haatan gacanta lagu hayo qaar kamid ah dadkii ku lugta lahaa rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimada Soomaali Galbeed.

"Goobaha diimaha lagu oogo iyo ganacsiga amaankooda sare ayaa loo qaadayaa," ayuu hadalkiisa kusii daray mas'uulka, kaasi oo carabka ku adkeeyay in go’aanadaan laysku waafaqsan yahay.

Ugu dambeyntii, shacabka degaanka ayuu cod dheer kaga dalbaday inay la shaqeeyaan hay’addaha amniga, islamarkaana ay ku xushmeeyaan waajibaadkooda si loo xaqiijinayo amaanka iyo kala dambeynta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM