Kenya: Barasaab eryay in ka badan 3,000 "shaqaalo rooxaan ah"
NAIROBI, Kenya - Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa wuxuu amar ku bixiyay in meesha laga saaro in ka badan 3,000 oo magacyo been abuur ah oo ku jiray liiska mushaar bixinta.
Magacyada ayaa, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas, waxaa la ogaaday kadib baaritaan lagu sameeyay shaqaalaha kaasoo socdey muddo dheer.
Waxa kale oo la ogaaday in agaasimayaasha iyo ku xigeenadooda intooda badan loo shaqaaleysiiyay waaxaha madaxda iyaga oo aan haysan shahaadooyin jaamacadeed oo qasab ah.
"Ilaa 100 darawal ayaa la shaqaaleysiiyay haddana gobolku wuxuu leeyahay 12 baabuur oo keliya waaxda gaadiidka," ayuu yiri qof si dhow ula socdey natiijadda baaritaanka.
Guddoomiye Natiif Jaamac ayaa sheegay in la magacaabay guddi shaqo oo dadka ka cabanaya xil ka qaadista xaqdarada ah ay ku soo bandhigi karaan arrintooda.
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda cusub ee Kenya ay wacad ku martey in ay si adag ula dagaalami doonto musuqmaasuqa iyo waliba wax kasta oo is-dabamarin.
Dadka Kenya ayaa si weyn kaga cabanaya shaqo la'aan. Madaxwayne William Ruto wuxuu la yimid qorshe dhaqaale loogu abuurayo dadkan kuwaasoo u badan dhalinyaro wax bartey oo aan shaqeyn.
GAROWE ONLINE