Biriq dhaawacyo daran u geystay ku dhawaad 60 arday

Image

NAIROBI, Kenya - Ku dhawaad 60 arday oo gebigooda ah gabdho ayaa ku dhaawacmay markii habeenimadii Axada ay haleeshay Biriq.

Ardayda ayaa la sheegay in dhacdadaan ay qabsatay iyagoo Fiidkii kusii jeeday goobta nasashada markaasoo roob xoogan uu da'ayey.

Fransiscah Munyasia, madaxa dusiga ay dhiganayeen ardayda oo ku yaalla magaaladda Bungoma ee Kenya ayaa ka warantay xaalada ardayda.

Waxay sheegtay in 50 kamid ah ardayda oo durbadiiba loola cararay isbitaal ay dib ugu soo laabteen waxbrashada, inkasta oo 10 kale ay ku harsan yihiin.

Munyasia ayaa ku adkeysatay in gabdhaha shilka wax ku noqday ay ku jiraan xaalad hagaagsan, taasoo ka dambeysay markii daryeel fiican loo sameeyay.

"Shilku wuxuu dhacay iyaga gabdhuhu u socdaal nasashada fiidkii...Biriqdu isla markii ay ku dhufatay isbitaal ayaanu ula cararnay," ayey tiri.

Qoysaska ay kasoo jeedaan ardayda ayay ku boorisay in ay ka wal-wal la’aadaan, isla markaana ay wax kasta oo bad-qabka ilmahooda ku aaadan ay sameyn doonan.

"Kuwa dhaawacmay waxaan ula cararnay isbitaalka…50 kamid dib ayay ugu soo laabteen waxbarashada," ayay raacisay.

Michael Milimo, sarkaal ka tirsan goobta caafimaad ee lagu daaweynayo caruurta ayaa tibaaxay in dhaawacyada ay ku jiraan kuwa gubtay.

"Qaarkood way gubteen…natiijo ka dhalatay Biriqda..balse, waxaaan uga jawaabi doonaa in aan daaweyno, waxaana rajeynayaa in ay dhawaan soo bog-san doonan," ayuu hadalkiisa kusii daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM