Booliska Kenya oo qabtey Nin 53 jir ah oo Al-Shabaab u basaasi jiray

Image

MANDHEERA, Kenya - Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin 53 sano jir ah, oo la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, xilli uu isku dayay inuu usoo gudbo Soomaaliya.

Backstone Agaro ayaa lagu qabtey magaaladda Mandheera, isagoo ka yimid dhanka Garissa, islamarkaana dadka degaanka waydiinayay inay u tilmaamaan xadka Soomaaliya halka looga gudbi karo.

Waxa uu ku yimid Mandheera Bus ay leedahay Shirkadda Tawakal, waxaana markii la qabtey ay booliska ka heleen boorsadiisa Buug ay ugu qoran yihiin xogo uu kasoo aruuriyay in ka badan 100 goobood oo kamid ah Kenya.

Backstone Agaro ayaa maanta oo Jimco ah lasoo taagey Maxkamad ku taalla Mandheera, waxaana booliska loo ogolaadey inay mudo 7 cisho ah ku hayaan saldhiga, halkaasi oo lagu waydiinayo sababta uu ugu sii jeeday Soomaaliya iyo cida uu la shaqeeyo.

Waxaa la tuhmayaa in ninka uu Al-Shabaab u qaabilsanaa sirdoonka, sidoo kalena la shaqeeyo xubno kale oo ku sugan gudah Kenya, kuwaasoo suurtagal ay tahay inay maleegaan weeraro dalkaasi ay ka fuliyaan.

Isagoo ka jawaabeyay su'aallo la waydiiyay, Backstone Agaro oo ah fuundi dhisa guryaha ayaa sheegay in Mandheera uu u yimid arrimo shaqo, kadib markii ay saaxiibadiisa oo halkaasi ka shaqeysta ay u yeereen.

"Waxaan dadka waydiinayay inay ii tilmaameen meel aan seexdo [hotel] ee ma waydiin jihada Soomaaliya loo maro, sababtoo ah waxaan halkan imid xilli habeen ah, waxaan ahay qof ku cusub magaaladda," ayuu yiri Bachstone.

Ninkan ayaa sababta ugu weyn ee loo qabtey ayaa ah shaki ay booliska ka qabaan inuu kamid yahay Al-Shabaab, iyadoo kiiska lagu haysto uu yahay waxa ku kalifay inuu buugga gacanta [Book-Note] ku qorto magacyada magaalooyinka uu booqday.

Kenya ayaa la dagaalaan-dhacaysa wax ka qabashada weeraro argagaxiso oo Al-Shabaab ka fulinayso dalkeeda, iyadoo sababta loo beegsado lagu micneeyay inay ciidamadeeda qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM, ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM