Burkina Faso: In ka badan 30 qof oo lagu dilay weerar jid-gal ah

Image
Koox gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay falkan.

OUAGADOUGOU, Burkina Faso — Qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo marayey waqooyiga dalka Burkina Faso, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 35 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Kolonyada saadka ah ee ay ciidanku galbinayeen ayaa la beegsadey Isniinta maanta ah xilli ay marayeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Bourzanga iyo Djibo.

Mid ka mid ah baabuurtaasi waxaa saarnaa dad rayid ah, sidda uu sheegay guddoomiyaha gobolka Saaxil, Lt. Col. Rodolphe Sorgho oo soo saarey war-saxaafadeed rasmi ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayuu sheegay in la daadgureeyay lana dhigay isbitaal maxali ah, waxaana la adkeeyay ammaanka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Inkastoo aysan jirin koox si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, haddana waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha xagjirka ah ee Islaamiga ah.

Burkina Faso ayaa waxaa halakeeyay rabshado ay geysanayaan koox jihaad-aloosyaal ah oo xiriir la leh Al-Qacida iyo kooxda Daacish oo kumannaan lagu dilay.

Waa qaraxii shanaad ee ka dhaca gobolka Soum tan iyo bishii Ogosto, gaar ahaan agagaarka Djibo, oo ay go’doomiyeen mitidiinta muddo bilo ah, sida lagu sheegay warbixin amniga gudaha ah oo shaqaalaha gargaarka ay aragtay wakaaladda AP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM