Burkina Faso oo ceyrisay mas'uul ka tirsan Qaramada Midoobay

Image
Isu-duwihii Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ee dalkaas Barbara Manzi ayaa loo aqoonsadey "mid aan dalkaas laga rabin".

OUAGADOUGOU, Burkina Faso - Burkina Faso ayaa ku amartay sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee dalkaasi inuu si degdeg ah uga baxo waddankaas, sidda ay saxaafadda warisay.

Dowladdan ay hogaamiyeyaal saraakiisha militariga oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa u aqoonsatay isu-duwaha Qaramada Midoobay Barbara Manzi "mid aan dalkaas laga rabin".

Wasiirka arrimaha dibadda Olivia Rouamba ayaa sheegtay in hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Qaramada Midoobay ay kaga digayeen fowdo soo fool leh oo ay sababeen kacdoonka Islaamiyiinta ay niyad jabisay Burkina Faso ayna meesha ka saartay maalgashadayaasha.

Kacdoonka ayaa horey u barakiciyey ku dhawaad ​​laba milyan oo qof, waxaana uu dhaliyey laba afgambi oo militeri ah muddo sanad gudaheed ah. Qaar badan oo ka mid ah barokacayaashu waxay ku nool yihiin xeryo ay maamusho Qaramada Midoobay.

Cayrintan ayaa timid dhowr maalmood kadib markii dalka laga eryay labo nin oo u dhashay dalka Faransiiska, kuwaasi oo u shaqeynayay shirkad laga leeyahay dalka Burkina Faso, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay uga shakiyeen inay basaas ahaayeen.

Burkina Faso waxaa tan iyo dhamaadkii Sebtembar xukumayay Kabtan Ibrahim Traore, oo ah maskaxda afgambiga militariga, kaasoo ah kii labaad ee muddo sideed bilood ah.

Bishii Luulyo, Burkina ee deriska la ah Mali, sidoo kale waxaa qabsaday dhibaato amni oo halis ah, waxay eriday Olivier Salgado, afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali (Minusma).

Salgado ayaa loo beegsaday sababo ku aadan in uu daabacay, sida laga soo xigtay taliska ciidanka, "xog aan la aqbali karin" maalin ka dibna 49 askari reer Ivory Coast ah waxaa lagu xiray Bamako.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo Ciidamo u Dirtay South Sudan Iyada oo Cabsida Dagaal Sokeeye Sii Kordhayso

Xariga wuxuu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay gobolka Upper Nile ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad loo yaqaan White Army.

  • Afrika

    12-03-2025

  • 12:17PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salva Kiir kala hadlay xaaladda South Sudan

Taliyayaasha dowladdu waxa ay qaar ka mid ah la haysteen marka koox loo yaqaan 'White Army' ay weerareen qaybo ka mid ah dalka.

  • Afrika

    10-03-2025

  • 02:27PM