Burundi oo mar kale caddeysay mowqifkeeda howlgalka ATMIS
KAMPALA, Uganda – Taliyaha guud ee ciidamada Burundi General Prime Niyongabo ayaa muddo todobaad ah ku sugan gudaha Soomaaliya, isagoo la kulmay madaxda Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah (ATMIS) si uu ugu kuur galo horumarka ilaa hadda la gaaray iyo gudashada waajibaadkii loo igmaday ee ATMIS.
General Niyongabo ayaa booqday cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah ATMIS ee fadhigoodu yahay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle si uu ugu kuur galo xaaladooda iyo is dhexgalka askarta ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Wuxuu booqday Mahadaay, Cadale, Qorilow iyo Maslax saldhigyada hore ee hawlgalka (FOBs) wuxuuna la kulmay taliyaha qaybta 5-aad ee ATMIS. Gen. Elie Ndizigiye.
Taliyaha ciidanka Burundi ayaa soo gaaray Soomaaliya 31-kii May waxayna la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Brig. Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Niyongabo ayaa sidoo kale waxa uu Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku booqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweynaha mar kale xilka loo doortay.
Shalay ayuu dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho ka dib socdaal uu ku maray saldhigyada ATMIS ee Shabeellaha isaga oo garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen.
Ndegeeya ka hor inta uusan u sii gudbin Xarunta Ciidanka ATMIS-ka, halkaas oo uu ku kormeeray saldhigyada Ciidamada ATMIS ee qeybta 1-aad ee Uganda. Kadib wuxuu kulan albaabada u xirnaa la qaatay ATMIS Gen. Ndegeya iyo taliyayaasha sare ee ATMIS.
Taliyaha ciidanka Burundi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu mar kale soo booqdo Soomaaliya, waxaana uu kula dar daarmay ciidamada Burundi in ay noqdaan safiiro wanaagsan.
“Taliye ahaan waa inaan booqdo ciidamada si aan u eego sida ay xaaladdoodu tahay, sida ay howshooda u gudanayaan, ujeeddada socdaalkaygana waxay ahayd; in aan booqno ciidamada si aan u eegno sida ay xaaladdoodu tahay iyo in lagu dhiirigeliyo in ay sii wadaan taageerada ay siinayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo in ay ixtiraamaan dhammaan shuruucda u degsan howlgalka,” ayuu yiri Gen. Niyongabo.
Waxa uu xasuusiyay ciidamada ATMIS in ay ilaaliyaan hadafyada ah in dadka Soomaaliyeed ay dib u helaan nabadda, isaga oo caddeeyay in dowladdiisu ay si buuxda u taageereyso howlgalkan ku meelgaarka ah.
“Ciidanka ATMIS-ka waxa u jira wakhti ay ku gaaraan yoolalka la hiigsanayo. Waxaan ku dhiirigelinayaa inay gutaan waajibaadkooda si ay nabad u helaan dadka Soomaaliyeed muddada ay siiyeen AU iyo saaxiibada," ayuu raaciyay.
Booqashadaan ayaa imaanaysa ka dib weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka Burundi ee ka dhacay deegaanka ee Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo ay weerar ku qaadaan horaantii May Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al Shabaab.
GAROWE ONLINE