Burundi oo xaqiijisay askar looga dilay Soomaaliya lana la'yahay kuwa kale

Image

BUJUMBURA, Burundi – Ugu yaraan lix askari oo Burundi u dhalatay ayaa lagu dilay weerar ku qabsaday meel ku dhow caasimadda Soomaaliya, mas’uul u hadlay dowladda wadankaasi ayaa xaqiijiyey.

Askartan la beegsaday ayaa waxay ka tirsanaayeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasi oo loosoo gaabiyo AMISOM.

"Argagixisada Al-Shabaab ayaa degmada Balcad, oo 30 KM dhanka Waqooyi Bari uga aadan Muqdisho, waxay ku weerareen ciidamada Burundi ee ka tirsan nabad-ilaalinta Soomaaliya," ayuu yiri Floribert Biyereke.

Biyereke oo ah afhayeenka ciidamadda dalkan bariga Afrika ku yaala ayaa wuxuu intaasi raaciyey: "Lix kale waa ay ku dhaawacmeen. Laba kalena waa la la'yahay, waxaana dhaawacyo culus soo gaarey saddex kale".

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa dusha saartay mas’uuliyada duulaankaasi jidgalka ah.

Weerarkaasi ayaa yimid maalmo kadib markii is-miidaamin lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir lagu khaarijiyey tobban ruux oo ay ku jiraan gudoomiyeyaal degmo, laguna dhaawacay duqa caasimada.

Al-Shabaab ayaa inta badan gobolada Soomaaliya weeraro isugu jira kuwa qaraxyo, kuwa toos ah iyo jidgal waxay ku beegsataa ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa ajnabiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM