Cabdi Illay oo ka hadlay nolasha xabsiga iyo sida loola dhaqmey

Image

ADDIS ABABA - Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan Federaalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka warbixiyay nolasha xabsiga iyo sida ay ula dhaqmeen ciidamada Booliska ee soo xiray.

Cabdi Illay ayaa xorriyadda laga qaaday bishii Agoosto ee sanadkaan 2018, isaga oo ku eedaysan inuu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isaga oo dhowr jeer kasoo hor-muuqday maxkamad.

“Waxaan ku xiran nahay dalkeYGA…Waxaan dareemaynaa wanaag…Ma jiraan wax dhibaato ah…Waanu wanaagsan nahay,” ayuu yiri Cumar oo wareysi ku dhex-siiyay xabsiga warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya.

Hadalka Cabdi Illay ayaa kusoo aadaya xili xubno ka tirsan qoyskiisa ay horey dhawaajiyeen in lagu jirdilo xabsiga, inkasta oo uusan haatan soo hadal-qaadin, mana aysan ka muuqan qaybaha sare ee jirkiisa.

Balse, qaar kale oo ka tirsan maxaabiista xabsiga kula jirta Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saluugay qaabka maxkamada loo horgeeyo eedaysanayaasha iyaga oo sheegaya in laga dib mariyo waqtigeeda.

Madaxwaynaha Maxkamadda sarre ee Itoobiya marmot Meaza Ashenafi oo booqatay xasbiga ay ku jiraan maxaabiistaan ayaa sheegtay inay wax ka qaban doonan cabashooyinka ay dhageystEEn.

Xabsiyadda waawayn ee Itoobiya ayaa waxaa ka jiray dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeysay inay ku jiraan dad u xiran arrimo siyaasadeed, xili maamulka Abiy Axmed uu balanqaaday inuu la tacaali doono arrintaasi iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM