Cabdi Illay oo Xaaladda ku xun tahay iyo codsi laga diiday

Image

ADDIS ABABA - Maxkamadda darajadda 19aad qaybta dambiyadda ee dowladda Federaalka Itoobiya ayaa diiday dalab racfaan ah oo uga yimid Madaxwaynihii hore ee DDSI, Cabdi Illay oo codsaday in damiin lagu sii daayo.

Ma cadda sababta ka dambeysa diidmadda maxkamadda sarre ee Itoobiya, laakiin waxaa soo baxaya warar intaas ku daraya in amray baaritaano dheeri ah oo lagu sameeyo iyo su'aallo waydiino ku saabsan gal-dambiyeedka lagu soo oogay Cabdi Illay.

Madaxwaynihii hore ee DDSI ayey kusoo eedaysay xeer-illaalinta dalka Itoobiya; ku tagri fal awoodeed, inuu ku xadgudbay xeerarka dhowraya xuquuqda Aadanaha, abaabulka rabshado dhimasho sababay iyo kicin dadwayne.

Illaa iyo haatan Cabdi Illay kama uusan jawaabin eedaymaha loosoo jeediyay maamulkiisa iyo isagaba, inkasta oo uu mar sii horeysay oo ah ka hor inta uusan xilka iska xasilin uu qirtay inuu geystay fal dambiyeedyo mudadii uu xafiiska joogay.

Booliska Itoobiya ayaa todobaadkan ka qabtay Cabdi Illay guri uu ka deganaa caasimadda Addis Ababa, waxaana muuqaalo laga soo qaaday ay muujinayeen iyada oo ay garab socdaan ciidamo, islamarkaana lagala soo baxayo Hoygiisa, lana saarayo Gaari.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa tabisay in Cabdi Maxamed Cumar iyo Lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa maamulkiisa ay wali ku jiraan Saldhig Boolis, islamarkaana lasoo taagay maxkamad isbuucaan, ayna ku socoto su'aallo waydiimo.

Dacwad-oogayaasha ayaa la siiyay 14 maalmood oo kale taasoo dheeri ah, oo ay Cabdi Illay iyo saraakiisha la xiran kusii hayn karaan Xabsiga, si ay baaritaano iyo su'aallo waydiimo ku saabsan eedaymaha loo haysto usameeyaan.

Maxkamadda Federaalka Itoobiya ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwadda lagu soo oogay Cabdi Illay iyo xubnaha la xiran, waxaana laga dhigay fadhiga labaad 14-ka September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM