Cabdi Illey oo "isku dayay" inuu Xabsiga ka baxsado

Image

ADDIS ABABA - Booliska Itoobiya ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida dalkaasi, Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illey], inuu isku dayayo inuu ka baxsado xabsiga uu ku xiran yahay ee ku yaalla magaalada Addis Abab.

Cabdi Illey ayaa la xiray bishii August ee lasoo dhafay, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ku kacay tacadiyo ka dhan ah bini'aadanimada, jirdilka maxaabiis ku xirnayd xabsiga Jeel Ogaadeen ee ku yaalla Jigjiga iyo kicin dadweyne.

Booliska Itoobiya ayaa ku wargeliyay maxkamadda sare ee Federaalka dalkaasi maanta oo Jimco ah in Cabdi Illey isku dayay inuu ka baxsado dhanka daaqadda xabsiga uu ku jiro, balse laga hortagey.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Illey uu xanuunsanayo, sidoo kalena ay jiraan walaac amnigiisa ku aadan, sidaasi darteed ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya ayaa marba meel u wareejiya, isagoo la geeyoo meelo kala duwan oo xabsiyo ah.

Hogaamiyahan oo eedo badan loo haysto ayaa beeniyay warka Booliska ee ah inuu damcay inuu xabsiga ka baxsado, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Itoobiye ee [ENA].

Dhanka kale, waxaa markii 5aad dib loo dhigay maxkamadeynta Cabdi Illey sababo aan wali la shaacin, waxaana lagu soo waramayaa inuu maxbuuskan codsi u diray Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ka dalbaday inuu xafis u fidiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM