Cabdi Illey oo markale Maxkamad lasoo taagey

Image

ADDIS ABABA - Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illey], madaxwaynihii hore ee DDSI ayaa Arbacadii kasoo hor-muuqday maxkamad Federaal ah oo ku taala caasimada Itoobiya, halkaasi oo ay ka socota dacwad ka dhan ah 47 qof oo uu kamid yahay.

Ujeedka shalay loosoo taagay maxkamada ayaa lagu macneeyay si muddo kordhin loogu sameeyo inta uu xabsiga kusii jirayaan, maadaama lasoo gabagabeeyay baaris ku socotay, xeer-ilaalintu tibaaxday in lagu helay dambiga.

Garsoorayaasha maxkamada ayaa ku kordhiyay muddo todobaad ah inay baaqi kusii ahaadaan xabsiga, iyada oo todoba cisho kadib mar kale la horkeeni doono maxkamada si ay uhadlaan qareenada labada dhinac.

Dacwad-oogayaasha ayaa soo bandhigi doona caddeymaha ay uhayaan eedaymaha loosoo jeediyay eedanaysanayaasha, xili Garyaqaanada difaacaya ay fursad uhelayaan inay u garaabaan.

Cabdi Illay iyo saaxiibadiisa oo 41 kamid ah ay ka maqan yihiin gacmaha cadaalada ayaa loo haystay ku tagfi awoodeed, xadgudub ka dhan ah xuquuqda Aadanaha iyo waliba rabshadii Jigjiga ka dhacay 4-tii Agoosto ee sanadkii hore.

Haatan kaliya lix xubnood oo uu kamid yahay Cumar ayaa ku jira gacanta laamaha garsoorka, kuwaasi oo xukun sugayaal ah.

Qul-qulatooyinkaasi ayaa lasoo wariyay inay ku geeryoodeen ku dhowaad 59 ruux, xili ay ku dhaawacmeen in ka badan 200 kale, waxaana ku burburtay Hanti lagu qiyaasay 412 milyan oo lacagta Itoobiya ah.

Maamulka cusub ee uu marajaha uhayo Mustafa Cagjar ayaa wacad ku maray inay cadaaladda wajahayaan cid kasta oo ku lug-lahayd dhibaatooyinka degaanka ka dhacay, oo ay kamid tahay dil wadareed.

Baarayaasha ayaa tibaaxay in tuulooyin ka tirsan DDSI ay kasoo haleen mudadii ay baarista wadeen Xawaalo wadareedyo, kuwaasi oo ay xuseen inay kamid tahay caddeymaha loo hayo kiiska lagu soo oogay Cabdi Illey iyo kooxdii la shaqeynaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM