Cadaalad raadin 10-sano jirsatay oo Jaariyad hore ka dhigi karta bilyineer
NAIROBI, Kenya - Haweenay ka shaqayn jirtay guri [Jaariyad] taasoo muddo tobban sano ah baagidoobeysa cadaalad ayaa qarka u saaran in ay bilyineer noqoto.
Domitila Mwikali Kawembe ayaa ka dacwooneysa dowlada Kenya, iyada oo ka dooneysa magdhow lacageed oo waali ah.
Haweenaydaan ayaa ku doodeysa in kiis dhacay 2008-dii si aan cadaalad ahayn loogu xukumay, ayna xabsi ku jirtay labo bilood.
Kiiskaasi ayaa ah in Domitila lagu eedeeyay in ay dishay cunug yar oo uu dhalay nin ay hoygiisa ka shaqeynaysay, inkasta oo ay iska fogeysay.
Waxay ku doodeysaa in ubadka oo gamaan-yooday awgeed ay seexisay balse ay arkeen isaga oo meyd ah markii hooyadiis ay guriga kusoo laabatay galabkii.
Domitila ayaa si lamid ah ku andacooneysa in xabsiga la geliyay uu ahaa midka loogu talagalay dadka waawayn maadaama ay xiligaasi jirtay 15-sano.
Maxkamad ayaa labo bilood oo xarig ah ku ridday, xukun ay si wayn uga dhiidhiyeen qolyaha u dooda arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha.
Haatan waxay dacwad wadareed kusoo oogtay xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, taliyaha Booliska iyo hay’addaha garsoorka.
Qareenkeeda ayaa ka dalbaday maxkamada in loo xukumo 992 oo dollar-ka maalin kasta oo kamid ah 63-maalmood ay xabsiga ku jirtay, taasoo wadar ahaan ka dhigay 140-kun dollar oo dollar-ka Mareykanka ah.
Tani macnaheedu waxa uu yahay in hadii loo xukumo lacagtaasi ay Domitila ay noqoneyso maal-qabeen.
Mwikali iyo qareenkeeda ayaa dib ugu soo laaban doona maxkamadda 2-da bisha April ee sanadkaan 2019, markaasoo ah maalinta uu dhici doono xukunka kama dambeyska ah.
GAROWE ONLINE