Cagjar: Madaxdii hore ee dambiyada ka geysatay degaanka way xiran yihiin

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in lasoo qab-qabtay inta badan madaxdii ugu sareysay ee mas'uulka ka ahayd dambiyadii ka dhacay gobolka.

Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa intaasi raaciyay in ay ka go'an tahay maamulkiisa in cadaaladda lagu qaado shaqsiyaadkaasi oo uu kamid yahay ninkii xilka uga horeeyay Cabdi Maxamuud.

"Waqti kuma lumin saraakiisha hoose ee la faray in ay dambiga sameeyaan … saraakiisha sare ee uu kamid yahay madaxwaynihii hore ee dambiyada geystay badankooda way xiran yihiin," ayuu u sheegay Al Jazeera.

Xad-gudubyadda ka dhanka ah xuquuqda bini'aadamka ee ka dhacay dhulka Soomaali Galbeed ayaa isugu jira dil wadareedyo naceyb ku saleysan, kufsi iyo xarig aan loo meel dayin oo cid gaar ah lagu beegsaday.

Meelaha dadka lagu xiri jiray kadibna lagu ciqaabi jiray waxaa kamid ah xabsiga dhexe ee Jigjiga [oo sidoo kale loo yaqaano Jeel Ogaadeen] – kaasi oo irdaha loo laabay kadib warbixin kasoo baxay UNHCR.

Hay'adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay maamulkii Cabdi Illay in uu xabsigaasi ku ciqaabi jiray dadka kasoo horjeeda, iyada oo haweenka lagu faraxumeyn jiray.

Cabdi Illay oo haatan ku jira xabsi ku yaalla caasimada Itoobiya ayaa in ka badan saddex jeer waxa uu kasoo muuqday maxkamad, isaga oo beeniyay in uu sameeyay wax khalad ah ama dambi ah.

Sidda ay aaminsan yihiin dadka dhibanaha u ah taliskii Cabdi Illay, xukun lagu rido madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida ayaa fure u noqon doona cadaalad la marsiiyo inta kale ee u xiran eedaymaha isaga loo haysto.

Mustafa Cumar, shaqaale horey uga tirsanaa Qaramada Midoobay, ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid sameeyay isbedalo badan, inkasta aysan wali gaarin waxa laga filayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM