Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeaeyay tacadi ka dhan ah Muslimiin

Image
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhacdadan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Booliiska dalka Itoobiya ayaa Axaddii shalay u adeegsaday gasacadaha dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dhallinyaro Muslimiin ah oo isugu soo baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo guud ahaan caalamka laga xusay munaasabadda Ciidul-fidriga oo ku beegan dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in dhacdadan foosha xun ay ka dhacday bannaanka garoonka caalamiga ah ee CBD ee magaalada, halkaas oo Muslimiintu ay ku oogayeen ducooyin si ay u xusaan dhammaadka soonka.

Tiro ka mid ah dadkii ku cibaadeysanayay garoonka oo awoodi waayay inay galaan garoonka ayaa teendho ka sameystay bannaanka fagaaraha Meskel, halkaasoo ay ka bilaabeen salaadda.

Xubin ka tirsan golaha sare ee arrimaha Islaamka ee Addis Ababa ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in sababta iska horimaadku aanay caddayn.

Balse tan iyo bishii hore waxaa dalka Itoobiya ka taagnaa xiisad ka dhalatay weerar ka dhacay magaalada Gonder halkaasoo lagu dilay ugu yaraan 20 qof oo Muslimiin ah gudaha gobolka Axmaarada. Qorshayaasha weerarka ayaa hubeysnaa “Masiixiyiin xagjir ah,” sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Nin booliis ah ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday dadkii badnaa laakiin “waxay ahayd mid aan ula kac ahayn,” ayuu yiri sarkaalku, isagoo soo xiganaya mutadawiciin goobta joogay.

"Ninkii booliiska ahaa waxaa goobta ka saaray niman kale oo booliis ah, laakiin dadku way argagaxeen, qaarkoodna waxay bilaabeen inay ku dhawaaqayaan hal-ku-dhigyo ... xaaladdu waxay noqotay mid aan la xakamayn karin," ayuu ku daray.

War qoraal ah oo uu soo saaray maamulka Addis Ababa, ayuu booliisku ku sheegay in "rabshadihii" ay ka dambeeyeen "shakhsiyaad kooban" ayna keentay burbur hantiyeed, balse hadda la soo celiyay nidaamka. "[Boolisku] waxay ugu baaqayaan bulshada inay isdejiyaan," ayay tiri.

Dibad-baxayaal careysan ayaa bilaabay inay dhagxaan tuuraan, iyagoo burburiyay muraayadaha madxafka qaranka ee fagaaraha Meskel ka hor inta aan dib loo soo celin nidaamka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in sanad walba ay magaalada si weyn looga ciiday tan iyo markii ay dhamaatay dowladdii Marxist-military Dergiga sanadkii 1991-kii.

"Tani waa markii ugu horreysay oo shilal noocan oo kale ah ay dhacaan," ayuu yiri sarkaalku, isagoo intaas ku daray in Muslimiinta ka qaybgalaya xafladaha aysan hubaysnayn, iyadoo qof walba uu booliisku baaray ka hor inta aysan goobta gelin. "Muslimiintu waxay rabaan in ciidaan ay nabad ku gudbaan," ayuu yiri sarkaalka.

Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya waa qowmiyado kala duwan oo isku dhaf ah, waa masiixiyiin badan halka ku dhawaad ​​saddex meelood meel dadka ay yihiin Muslim. Si kastaba ha ahaatee, Muslimiinta intooda badan, waxay joogaan gobolka Somalida ee dalka, oo si rasmi ah loo yaqaan Ogaden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM