Ciidamo cabasho ku tagey Xafiiska RW Itoobiya, Internet oo la jarey

Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Adeega Internet-ka ayaa waxaa muddo Sadex Saac galabnimadii Arbacada laga gooyey caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa kadib markii ciidamo dalbanaya in mushaharka loo kirdhiyo u soo baxeen jidadka, sidaas waxaa wariyey talefishinka ETV. 

Boqolaal askar ah, kuwasoo loo geeyey halka la yiraahdo Burayu si ay uga hortagaan dagaalo dhexmarey qowmiyado halkaas wada daga ayaa socod ku tagey Xafiiska RW Abiy Axmad oo lagu casumey.

Askarta ayaa la sheegey iney heshiis la gaareen Abiy Ahmed, inkastoo aan la ogeyn qodobada la isla-gaarey.

ETV waxay sheegtey in askarta waydiisatey in dib loo eego qaab dhismeedka iyo howl-galada Ciidan ee jira.

Fitsum Arega, Agaasimaha guud ee xafiiska RW ayaa bartiisa Twitter ku soo qorey in Abiy Axmad dhageystey cabashooyinka ay sheegteen isagoo ka dalbadey in sidaan si ka duwan mustaqnalka u soo gudbiyaan canashooyinkooda.

Saxaafada Dowlada, oo aan daabicin sawirada askarta socodka ku tagey xafiiska RW Abiy ayaa sheegtey in sababta Internet loo xirey ay tahay in laga hortago wararka been abuurka (Fake News). 

Ma aha markii ugu horeysay oo dalka Ethiopia la xiro Internet arimo siyaasadeed dartood. Dowlada ayaa horey ugu eedeysay baraha bulshada ay wareejinayaan Warar been abuur ah kuwasoo sababaya dibad baxyo.

Ciidamada oo ku wajahan xafiiska RW Itoobiya

Abiy oo jira 42, ayaa waxaa uu xafiiska qabtey April ayaa dhaxley sanado badan oo rabshado lagaga soo horjeedey dowladii ka horeysay. Waxaa uu Balan qaadey isbadal inuu ku sameynayo hay’adaha amniga iyo in nidaamka xisbiyada badan shacabku ku soo dooran doonaan madaxdooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM