Ciidamo ka tirsan nabad ilaalinta UN-ka oo lagu dilay Mali

Image
Weerarkan ayaa noqonaya kii shanaad oo todobaad gudihiis ka dhaca gobolka Kidal ee dalka Maali.

BOMAKO, Mali – Askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen oo ku sugnaa magaalada Kidal ee waqooyiga dalka Mali. Hawlgalka MINUSMA ayaa dhacdada ku tilmaamay ‘weerar argagixiso’.

"Dadka la laayay waxay ka tirsanaayeen ciidamada Urdun," ayuu yiri sarkaalka ammaanka ka tirsan oo si gaar ah wax loo weydiiyay oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

 Kolanyada ayaa la sheegay in lagu haleelay hubka fud fudud iyo baasuukayaal, weerarka oo socday ku dhawaad ​​saacad.

"Nasiib darro, hal xubin oo ka tirsan Koofiyadaha buluuga ah ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray weerarka ka dib," ayuu yiri afhayeenka MINUSMA Olivier Salgado.

 Ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyay ninka la sheegay in uu weerarka geystay.

 Dhanka kale, bayaan uu soo saaray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Mali iyo madaxa MINUSMA, El-Ghassim Wane, ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday oo aad u hubeysan.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkan, oo ah isku day kale oo quus ah oo kooxda argagixisadu ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan dadaallada nabadeed ee Mali iyo fulinta waajibaadka MINUSMA," ayuu yiri.

Weerarkan ayaa noqonaya kii shanaad oo todobaad gudihiis ka dhaca gobolka Kidal ee dalka Maali.

 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarka. Waxa uu sheegay in weerarrada ka dhanka ah nabad ilaalinta ay ka dhigan yihiin dembiyo dagaal marka loo eego sharciga caalamiga ah.

“Waxa uu ugu baaqay maamulka Mali in ay sameeyaan dadaal kasta oo lagu ogaanayo kooxihii ka dambeeyay weerarkan si sharciga loo horgeeyo si deg deg ah”ayuu yiri Afhayeenka.

MINUSMA - Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali - ayaa la geeyay 2013 si ay gacan uga geysato horumarinta gobolka jilicsan ee Sahel ee wajahaya weerarrada xagjirka ah.

Iyadoo ay xubno ka yihiin 13,000, howlgalku waa mid ka mid ah howlgallada nabad ilaalinta ee ugu weyn ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan. 172 askari ayaa ku dhintay weeraro ka dhacay gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM