Ciidamo la kala dhex-dhigayo dalalka Rwanda iyo DRC Congo

Image
Khilaafkan oo cirka isku sii shareeray ayaa sababay in xiriirka labada dowladood uu xumaado.

NAIROBI, Kenya – Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa soo dhaweysay soo jeedinta Kenya ee ah in la geeyo ciidamo goboleed si ay ula dagaalamaan jabhadda M23 ee bariga dalkaasi, balse waxa ay sheegtay in aysan aqbali doonin ka qeyb galka dariska la ah Rwanda.

Axadii waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay taliyayaasha ciidamada 7 dal ee bariga Afrika, si ay uga wada hadlaan xiisadda sii kordheysa ee labada dal ee deriska ah.

Waa khilaafkii ugu dambeeyay ee soo kala dhex gala labadan dal oo muddo tobanaan sano ah ka dhexeeyey xiriir aan wanaagsaneyn, waxaana dhawaanahan dagaallo goos goos ah ay ka dhaceen xuduudka ay wadaagaan.

Kinshasa ayaa Kigali ku eedaysay inay taageerto fallaagada. Rwanda ayaa beenisay eedeymaha DRC ee ah in ay ciidamo u dirtay bariga DRC ama in ay taageerto fallaagada M23, kuwaas oo hoggaankoodu ka soo jeedo isla qowmiyadda Tutsiga ee uu ka soo jeedo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Jimcihii, DRC waxay xirtay xadka ay la wadaagto Rwanda ka dib markii askari Congo ah la toogtay isagoo weeraraya ilaalada xuduudaha ee gudaha dhulka Rwanda.

Laba askari oo ka tirsan booliska Rwanda ayaa ku dhaawacmay ka dib markii uu askariga Kongo ka soo tallaabay xadka oo uu rasaas ku furay, ka hor inta aanu askari shaqada ku jiray ku dilin meel 25 mitir gudaha Rwanda u jirta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay milateriga Rwanda.

M23 ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee fallaagada qowmiyadda Tutsiga ee uu hogaamiyo si ay uga kacaan ciidamada DRC, iyaga oo sheeganaya in ay danaha Tutsiga ka difaacaan kooxaha hubaysan ee Hutu.

Khilaafkan oo cirka isku sii shareeray ayaa sababay in xiriirka labada dowladood uu xumaado. Dhamaadkii bishii May, boqollaal qof oo reer Congo ah ayaa ka qayb galay mudaaharaad lagaga soo horjeedo Rwanda oo ka dhacay Kinshasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM