Xalka colaada ee Soomaalida iyo Oromada oo laga shirayo

Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Hogaamiyeyaasha is-maamuladda Soomaalida iyo Oromada ee hoostaga Itoobiya ayaa maanta oo Axad ah wuxuu shir uga furmayaa magaaladda Jigjiga.

Kulankaasi oo la sheegay in uu yahay mid dib-u-heshiiineed ayaa lagu gorfeynayaa xalka colaadaha labada shacab taasi oo sanadihii lasoo dhaafay taagneyd, xalna laga gaarin.

Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], madaxweynaha Kalinka Shanaad, oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa tibaaxay in shirkan oo uu yahay midkii labaad oo ay labada dhinac isugu yimaadan.

Dhankiisa, Shimelis Abdisa, madaxa gobolka Oromada oo shalay tegay Jigjiga, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijada shirkan kasoo baxda ay noqoto mid waarta.

Isku dhacyadda labada qowmiyadood oo kamid ah kuwa ugu badan ee dalka dhacan Geeska Afrika ayaa la sheegayaa in ay tahay "mid siyaasadeysan oo laga dambeeyo".

Shirkan maanta la daah-furayo ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud ka kooban in ka badan laba boqol, kuwaasi oo isugu jira shacab, oday dhaqameedyo iyo mas'uuliyiin.

Sidda ku xusan warbixin dhowaan soo baxday, colaadaha dhex-maray rayidka labada degaan ayaa waxaa ku naf-waayey boqolaal, iyadda oo ay ku barakaceen malaayiin ruux.

Dagaalka soo noqnoqday oo la sheego in uu salka ku hayo dhul-balaarsi uu midba kan kale ku eedeeyo ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay madaxda labada dhinac.

Darafyadda shirka kasoo muuqan doonta ayaa rajeynaya in kulanka lagu falanqeeyo qaabka ugu haboon oo ay kuwada noolaan kara, loogana fogaan karo dagaalka dib dambe ka dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM