Daadad iyo dhul go' galaaftay 100 qof ay ku jiraan dad isku qoys ah

Image
Sannadkii 2019, daadad iyo dhul go' ka dhacay isla magaaladan ayaa sababay geerida ugu yaraan 32 ruux.

KINSHASA, Congo - Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib daadad iyo dhul go’ ay sababeen roobab xooggan oo ka da’ay magaala madaxda Congo ee Kinshasa.

Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Jean-Michel Sama Lukonde oo kormeeray qaybo kamid ah goobaha ay musiibadu ka dhacdey ayaa sheegay in saraakiishu ay wali raadinayaan meydad kale.

"Waxaan u nimid inaan qiimeyno dhaawaca iyo in aan baaxda waxyeeladda ay musiibadan u geysatay shacabkeena," ayuu Lukonde u sheegay telefishinka dowladda.

Ilaa 12 milyan oo qof ayaa ku nool 24-ka xaafadood ee magaalada Kinshasa ayay daadadku ku dhufteen, sida ay sheegeen saddex mas’uul oo maxalli ah oo u warramay wakaaladda wararka ee AP.

"Dad badan ayaa ku dhintey, guryihii way qariyeen daadadka, waddooyinkana ay burbureen," ayuu mid kamid ah saraakiisha yiri isaga oo codsadey in la qariyo magaciisa.

Degaanka Ngaliema oo ka tirsan caasimada Kinshasa, in ka badan saddex tobaneeyo ayaa ku dhintay welina waa la tirinayaa meydadka, sidda laga soo xigtey duqa aaggaas, Alid’or Tshibanda.

Qayb kale oo magaalada ka mid ah shan xubnood oo hal qoys ah ayaa ku nafwaayay, qaarna koronto ku dishay. Sannadkii 2019, daadad iyo dhul go' ayaa ugu yaraan 32 ku dilay gudaha iyo hareeraha Kinshasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM