Dab ka kacay qeyb kamid ah Garoonka Jomo Kenyatta

Image

NAIROBI, Kenya - Terminal-ka 1C ee Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaaladda Nairobi ayaa mudo kooban la xiray kadib markii uu xalay dab ka kacay.

Saraakiisha maamulka Garoomadda Kenya ayaa sheegay in dabka uu billowday xalay saacadu markii ay ahayd 11:44 p.m., iyadoo uu hakad geliyay howlihii duulimaadka ee ka socday qeybta 1C.

Waxaa loo weeciyay diyaaradihii kusoo degi lahaa iyo kuwii ka duulayay qeybta 1B, waxaana booliska ay sheegeen in dabka uu ka kacay qeybta boorsooyinka la marsiiyo [baggage-belt-system] oo cilad ku timid.

"Dhamaan rakaabkii iyo shaqaalahaa ayaa laga soo daad-gureeyay qeybta uu dabka ka kacay ee Garoonka Jomo Kenyatta, ma jiraan wax khasaarooyin ah oo lasoo wariyay," ayuu yiri maamulka Garoonka JKIA.

Saraakiisha waxay shaaciyeen in waqtiga ugu dhaqsiyaha badan dib loo furi doono qeybtan dabka uu ka kacay ee Garoonka, kadib markii dib loo dayactiro xafiisyadii gubtay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dab noocan ah ka kaco gudaha Garoonka JKIA, oo ah midka ugu casrisan, uguna mashquulka badan ee dalalka Geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM