Dab ka kacay qeyb kamid ah Garoonka Jomo Kenyatta

Image

NAIROBI, Kenya - Terminal-ka 1C ee Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaaladda Nairobi ayaa mudo kooban la xiray kadib markii uu xalay dab ka kacay.

Saraakiisha maamulka Garoomadda Kenya ayaa sheegay in dabka uu billowday xalay saacadu markii ay ahayd 11:44 p.m., iyadoo uu hakad geliyay howlihii duulimaadka ee ka socday qeybta 1C.

Waxaa loo weeciyay diyaaradihii kusoo degi lahaa iyo kuwii ka duulayay qeybta 1B, waxaana booliska ay sheegeen in dabka uu ka kacay qeybta boorsooyinka la marsiiyo [baggage-belt-system] oo cilad ku timid.

"Dhamaan rakaabkii iyo shaqaalahaa ayaa laga soo daad-gureeyay qeybta uu dabka ka kacay ee Garoonka Jomo Kenyatta, ma jiraan wax khasaarooyin ah oo lasoo wariyay," ayuu yiri maamulka Garoonka JKIA.

Saraakiisha waxay shaaciyeen in waqtiga ugu dhaqsiyaha badan dib loo furi doono qeybtan dabka uu ka kacay ee Garoonka, kadib markii dib loo dayactiro xafiisyadii gubtay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dab noocan ah ka kaco gudaha Garoonka JKIA, oo ah midka ugu casrisan, uguna mashquulka badan ee dalalka Geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM