Dabley qafaalatay dalxiise Ameerikaan oo madax furasho dalbatay

Image

Kampala, Uganda – Dabley aan wali la aqoonsan heebtooda ayaa goob lagu nasto oo ku taalla xuduudka Democratic Republic of Congo iyo Uganda ka afduubatay afar ruux oo dalxiisayaal ah oo ku jiro muwaadin Ameerikaan ah.

Booliska ayaa dhibanaha Mareykanka u dhashay ku tilmaamay haweenay 34-sano jir ah iyo darawalkeeda oo reer Uganda ah. Dadka kale ee la qafaashay waa lamaane da' ah.

Sidda laga soo xigtay laamaha amaanka, kooxaha afduubka geystay oo tiradoodu gaareysay afar ayaa soo wacay Booliska iyaga oo codsanaya in la siiyo lacago madax furasho oo dhan 500-kun oo dollar.

Ciidamo isku dhaf oo ka kala socda Booliska, Milatariga iyo Ilaalada Goobaha loo dalxiis tago ayaa wada howlgal wadajir ah, oo lagu ugaarsanayo ragga falka sameeyay oo wali aan la ogayn halkay ku sugan yihiin.

Ficilka oo lasoo wariyay in ay dhacday 6-dii aroornimo ee Khamiistii ayaa la sheegay in dalxiisayaasha lagala baxay Queen Elizabeth National Park oo ah mid ah kuwa ugu caansan ee bariga Afrika.

Dalxiiska waa mid kamid ah ilaha ugu badan ee uu dhaqaalaha kaso galo Uganda. Tani waxaa laga yaabaa in ay saameyso arrinkaasi, wallow dowladdu ay rajo wayn ka qabto in aysan dhicin taasi.

Kooxaha hubeysan ee gobolka ka jira ayaa horey u mamnuucay dalxiiska xili 1999-kii ay ahayd markii falaagada Rwanda ay dishay 8 dalxiisayaal ajnabi ah taaso oo dharbaaxo ku noqotay shabakada dalxiiska Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM