Dabley qafaalatay dalxiise Ameerikaan oo madax furasho dalbatay

Image

Kampala, Uganda – Dabley aan wali la aqoonsan heebtooda ayaa goob lagu nasto oo ku taalla xuduudka Democratic Republic of Congo iyo Uganda ka afduubatay afar ruux oo dalxiisayaal ah oo ku jiro muwaadin Ameerikaan ah.

Booliska ayaa dhibanaha Mareykanka u dhashay ku tilmaamay haweenay 34-sano jir ah iyo darawalkeeda oo reer Uganda ah. Dadka kale ee la qafaashay waa lamaane da' ah.

Sidda laga soo xigtay laamaha amaanka, kooxaha afduubka geystay oo tiradoodu gaareysay afar ayaa soo wacay Booliska iyaga oo codsanaya in la siiyo lacago madax furasho oo dhan 500-kun oo dollar.

Ciidamo isku dhaf oo ka kala socda Booliska, Milatariga iyo Ilaalada Goobaha loo dalxiis tago ayaa wada howlgal wadajir ah, oo lagu ugaarsanayo ragga falka sameeyay oo wali aan la ogayn halkay ku sugan yihiin.

Ficilka oo lasoo wariyay in ay dhacday 6-dii aroornimo ee Khamiistii ayaa la sheegay in dalxiisayaasha lagala baxay Queen Elizabeth National Park oo ah mid ah kuwa ugu caansan ee bariga Afrika.

Dalxiiska waa mid kamid ah ilaha ugu badan ee uu dhaqaalaha kaso galo Uganda. Tani waxaa laga yaabaa in ay saameyso arrinkaasi, wallow dowladdu ay rajo wayn ka qabto in aysan dhicin taasi.

Kooxaha hubeysan ee gobolka ka jira ayaa horey u mamnuucay dalxiiska xili 1999-kii ay ahayd markii falaagada Rwanda ay dishay 8 dalxiisayaal ajnabi ah taaso oo dharbaaxo ku noqotay shabakada dalxiiska Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM