Dad ku dhintey doon ka baxdey Afrika oo ku dagtey biyaha Malta

Image
Dadka la soo badbaadiyay oo tiradooda lagu qiyaasay 46 ayaa waxaa ku jiray labo kale oo haween uur leh.

ROMA, Italy - Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa badbaadiyay ilaa 46 tahriibayaal ah, waxayna soo saareen meydadka siddeed qof oo ay ku jirto haweeney uur leh, kadib markii doon lagu arkay biyaha Malta, sida ay ku warantey wakaaladda wararka ee ANSA saacadihii hore ee Jimcaha maanta ah.

Doonidan ayaa waxaa arkay ilaalada Talyaaniga di Finanza oo ku sugan aagga baadigoobka iyo samatabixinta Malta, xilli ay ku sii jeedday jasiiradda Lampedusa ee koonfurta Talyaaniga, sida ay wakaaladdu sheegtay.

Tobanaan qof oo ka yimid Waqooyiga Afrika ayaa saarnaa doonta, sida ay sheegtay hay’addu. Dadka dhintay waxaa ka mid ah saddex dumar ah oo mid ka mid ah uur lahayd.

"Dadka la soo badbaadiyay oo tiradooda lagu qiyaasay 46 ayaa waxaa ku jiray labo kale oo haween uur leh," ayaa lagu yiri warbixinta laga soo xigtey warbaahinta gudaha.

Duqa magaalada Lampedusa Filippo Mannino ayaa ugu baaqay ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni in uusan ka tagin jasiiradda si uu ula tacaalo "musiibo weyn".

"Fadlan na caawi, habkan kuma socon karno," ayay wakaaladda ANSA kasoo xigatay Mannino mar uu ku sii jeeday dekedda jasiiradda si uu u kormeero "musiibadda".

Sannad kasta dad badan ayaa ka soo gudba dhinaca woqooyiga Afrika iyagoo sii mara badda Mediterranean-ka una gudba Midowga Yurub, iyagoo inta badan aadaya Talyaaniga iyo Malta, waxaana ay rajaynayaan nolol fiican oo Yurub ah. Doonyaha ayaa inta badan buux dhaafiya oo aan ammaan ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM