Dadka isku dayey in ay boobaan booyad shidaal oo qarax ku dhintay

Image

DAR ES SALAAM, Tanzania – Ku dhowaad 60 ruux ayaa ku geeriyootay kadib qarax ka dhacay Tanzania, maanta oo Sabti ah, sidda uu sheegay booliska.

Qaraxa oo dhawaqiisa aad loo maqlay ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ka dhashay dab qabsaday booyad shidaal.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulashadda ayaa waxay muujinayaan burburka booyadda iyo meydad wadada yaala.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxaa laga soo xigtay in khasaaraha dhimashadda ay kordhi karto, maadaama ay jiraan dhaawacyo khatar ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay tibaaxaya in dadka dhintay ay isku dayayeen inay boobaan shidaalka saarnaa gaariga, kaasoo rogmaday.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa waxaa laga soo wariyey Morogoro oo 200 KM dhanka Galbeedka uga aadan magaalada dekadda leh ee Dar es Salaam.

Morogoro oo sidoo kale ah xarunta ganacsiga ee dalkan dhaca bariga Afrika ayaa ah marinka ugu weyn ee gaadiidka xamuulka iyo kuwa shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM