Dalalka ay u dhasheen rakaabkii ku dhintay shilka Ethiopian Airlines [Akhri]
ADDIS ABABA, Ethiopia - Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa shaacisay dalalka ay kasoo jeedaan rakaabkii ku geeriyooday shilka diyaaradeed maanta ka dhacay duleedka magaaladda Addis Ababa.
Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed, diyaarada waxaa la socotay 149 rakaab ah iyo 8 shaqaale, kuwaasi oo la rumeysan in ay saarnaa duulimaad sumadiisu ahayd ET302 oo kasoo kicitamay caasimada Itoobiya kuna soo jeeday Nairobi, Kenya.
Shirkada ayaa intaas ku dartay in rakaabka ay kasoo kala jeedeen 33 dal, kuwaasoo dhamaantooda ku dhintay shilka oo dhacay 6 daqiiqo kadib markii ay soo dushay diyaaradda.
Dalalka ay kasoo jeeda iyo tirada ayaa kala ah; 32 Kenyaan ah, 18 u dhalatay Canada, 9 Itoobiyaan ah, 8 u dhashay China, 8 u dhalatay Italy, 8 Ameerikaan ah, 7 Faransiis ah, 7 British ah, 6 Masaari ah, 5 u dhalatay Netherlands iyo 4 ku safreysay Passprot-ka Qaramada Midoobay.
Shilka ayaa dhacay 08:44 Subaxnimo waqtiga bariga Afrika, lix daqiiqo kadib markii diyaarada oo magaceedu yahay Boeing 737 Max-8 taasoo bilooyin shaqeyneysa ay soo duushay.
Wali ma cadda waxay sababay in ay soo dhacdo diyaaradda.
Goobjooge ku sugnaa goobta ayaa u sheegay BBC-da in dab xoogan uu qabsaday diyaarada isla markiiba ay dhulka soo dhacday.
"Qarax iyo dab xoogan oo aanan u dhowaan karin ayaa ka dhashay…Wax kasta way gubteen…Saddex helicopter ayaan durba meesha yimid, balse way soo daaheen," ayuu yiri.
– Isha koowaad ee shilka –
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa noqday isha koowaad ee laga helay shilka diyaarada, isaga oo fariin uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay kaga tacsiyeeyay.
Madaxwayne dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo wadankiisa ay kusii jeeday diyaaradda ayaa sheegay in ay murugada la qeyb-sanayaan ehelada dadkii ku baxay shilkaasi.
Qaar kamid ah madaxda midowga Afrika ee ku sugan Addis Ababa iyo Ururka Midowga Yurub ayaa si lamid ah ka tacsiyeeyay.
– Baadigoobka haraadiga –
Bayaanka shirkada ayaa lagu xusay in ay socdaan howlgalo lagu raadinayo haraadiga burburka diyaarada.
Shilka ayaa rasmi ahaan ka dhacay magaaladda Bishoftu oo qiyaastii 60 KM dhinaca Koonfur Bari uga aadan Addis Ababa.
"Shaqaalaha Ethiopian Airlines ayaa loo diray goobta uu shilku ka dhacay..waxayna sameyn doonaa gurmad kasta oo macquul ah," ayay raacisay.
Boeing, shirkada sameysay diyaarada burburtay, ayaa sheegtay in ay si dhow ula socon doonta xaalada haatan taagan.
Shan bilood kahor diyaarad ay sameysay shirkadaan taasoo ay la socdeen 190 ruux ayaa ku burbrutay meel ku dhow Indonesia.
– Rikoorka bad-qabka Ethiopian Airlines –
Ethiopian Airlines ayaa kamid ah diyaaradaha ugu fiican qaarada Afrika, kuwaasi oo aanan kaliya dalkooda ka sameynin duulimaadyo.
Badqabka diyaarada ayaa la isku halayn karaa, inkasta oo 2010-kii mid kamid ah diyaaradaha shirkada ay kusoo dhacday meel ku dhow badda Mediterranean markii ay lasoo duushay magaaladda Beirut.
Shilkaas ayaa la xaqiijiyay in ay u geeriyootay 90 ruux oo duulimaadka qayb ka ahaa, kana soo jeeday wadamo kala duwan.
– Shilkii ugu dhimashada badnaa –
Shilkii ugu dhimashada badnaa ee diyaarada ayaa dhacay bishii November ee sanadkii 1996-dii markaasoo iyada oo ku jirta duulimaad ay kaga soo baxday Addis Ababa kuna soo jeeda Nairobi la afduubtay.
Mid kamid ah matoorada diyaarada ayaa istaagay markii uu ka idlaaday shidaalka, wallow duuliyeyaasha ay isku dayeen in ay qaab deg deg ah ugu dejiyaan biyo.
Nasiib darro, waxay ku dhaceen goobta xayawaanadu ku badan yihiin ee bada taasoo ku taalla Badweynta Hindiya. 123 kamid ah 175 ruux oo saarneed diyaarada ayaa ku geeriyootay.
GAROWE ONLINE