Dalka iyo lacagta lagu maal-geliyay weerarkii DusitD2 oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska The Standard ayaa daabacay warbixin ay ku jirto macluumaadyo dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii Al-Shabaab ay bishii Janaayo ku ekeysay huteelka DusitD2 ee Nairobi, caasimadda Kenya.

Warbixinta majaladda oo lagu soo xigtay illo wareedyo aanan la magacaabin una badan baareyaal haatan gacanta ku haya kiiskan ayaa diiradda lagu saarey qaabka loo maal-geliyay duulaankaasi, cadadka lacagta iyo dalka ay ka timid.

Jaraa'idka oo shaacisay in qiimaha ay gaareyso ku dhowaad 23-milyan oo dollar-ka Mareykanka ayaa tilmaamay in ay ka timid wadanka Koonfur Afrika kahor inta aanan loosoo dirin Soomaaliya oo aanan qaybqayb loo gudbin.

Baareyaasha oo ku daba jira shaqsiyaad lagu tuhmayo maalgelintan oo badankooda ah Kenyan ah kuwaasi oo adeegsaday Xawaalado iyo Bankiyo maxali ah ayaa qaarkood waxay qaxooti ahaan ku joogan Koonfur Afrika.

Hay’addaha Amniga oo diiradda saaraya Cape Town, halkaasi oo ay aaminsan yihiin in abaabulka ugu badan uu ka dhacay ayaa rajeynaya in baaritaankooda ay soo afjari doonto shabakad balaaran oo maaligelinta u qaabilsan Al-Shabaab.

Howlgalka lagu galay DusitD2 oo ay fuliyeen koox ka kooban ayaa la sheegay in lacagta ay u soo gaartay qayb-qayb ayna ku iibsadeen hub, diyaarado aan duuliye lahayn, gaadiid iyo in ay isaga bixiyeen kirada guryo ay deganaayeen.

"Lacagta waxay kusoo gaartey muddo saddex bilood gudaheeda ah iyadda loosoo mariyo Xawaaladaha. Kadibna iyadda oo cadaan ah ayaa loo diray Soomaaliya," ayuu yiri mid kamid ah baareyaasha oo magaciisa ka gaabsaday.

Saraakiisha oo ku sugan Koonfur Afrika halkaasi oo ay kula kulmeen booliska ayaa ku dhaliilay maamuleyaasha bankiyadda in ay ogaan waayeen shabakadan isku xiran.

In ka badan 30 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib u dhalatay Mareykanka iyo Ingiriiska balse badankooda ay yihiin Kenyan ayaa lagu naf-gooyey weerarkaasi, wallow ay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ay sheegatay tiro intaasi ka badan.

Nidaamka dhaqaale ee A-Shabaab oo ku lug-yeesho qaybo kala duwan oo caalami iyo maxali isugu jira ayaa waxay kooxda u xakameysaa qaab toos ah iyo mid aanan toosna, iyadda ay wax kasta u muuqdan kuwa aad looga taxadiray.

Maleyshiyaadkan ayaa la aaminsan yahay in dhaqaalaha ay ka helaan hay’addo dowladeed, Qurbe joogta, burcad-badeeda, ganacsiga sharci daradda ah iyo lacagaha baada ah oo ay ka qaadan dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM