Degaanka Soomaalida: Jeel Ogaadeen oo laga dhigayo madxaf

Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Xabsi hore kaasi oo dadka lagu ciqaabi jiray ayaa lagu wadaa in laga dhigo madxaf, waana Jeel Ogaadeen.

Magaca kale ee loogu yeero waa xabsiga dhexe ee Jigjiga. Waxaa sameeyay maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illay].

Kadib markii uu is-casilay xabsina la dhigay Cabdi Illay, isla markaana uu maamul cusub yimid ayaa irdaha loo laabay Jeel Ogaadeen bishii September 2018-kii.

Sidda laga soo xigtay Human Rights Watch, intii uu furnaa xabsigaasi waxaa dadka lagu xiro badankooda ay ahaayeen kuwa kasoo horjeeday nidaamkii Cabdi Illay.

Xadgudubyo isugu jira jirdil, kufsi wareed iyo ciqaab tan ugu daran ayaa loo geysan jiray maxaabiista oo rag iyo dumarba lahaa.

Maxaabiista oo badankooda haatan lasii daayay waxa ay la daalaadhacayaa kasoo kabashada dhibaatadii loogu geystay xabsiga.

Maamulka degaanka ayaa sheegay in ay go’aan sadeen in xabsiga ay ka dhigaan madxaf, kaasi oo dadka ay uga faa'ideysan doonaan dhanka aqoonta.

Bahda waxbarashada oo aad u soo dhaweeyay talaabadaan ayaa rumeysan in ay sare u qaadis wax akhrinta oo degaanka ku yar.

Mustafa Maxamed Cagjar, madaxwaynaha gobolka Soomaalida, ayaa xusay in cid kasta oo degaanka ka geystay tacadi ay cadaalada wajaheyso.

"Waqti badan maku lumin doono baagidoobka saraakiisha hoose … kuwa sare ee amarka bixiyay badankooda way xiran yihiin," ayuu raaciyay.

Dadka xiran waxaa kamid ah Cabdi Maxamuud Cumar, kaasi oo wajahaya ku tumashada xuquuqda bini'aadanka iyo kicin dadwayne oo qabiil ku saleysan.

Dhowr jeer oo uu maxkamad ku taalla Addis Ababa kasoo muuqday ayuu ku cel-celiyay in uusan wax khalad ah sameynin, hasayeeshee, waa xukun suge.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM