Desalegn oo shaaciyay sababta ku kaliftay inuu is-casilo

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in sababta ka dambeysay is-casilaadiisa ay ahayd kadib markii xubnaha Xisbiga taladda haya ee EPRDF ay kala shaqayn waayeen xal u helida dhibaatooyinka dalkaas ka jira.

Wuxuu tilmaamay in ka tegitaanka xafiiska uu u arkay xalka ugu wanaagsan, isaga oo ku eedeeyay xubnaha Jabhadda xorreynta Qowmiyadda Tigrey-ga, inay aaminsan yihiin in xilka ugu sareeya ee dalka Itoobiya inay iyaga si gaar ah u leeyihiin.

"Waxaa jirtay taageero hooseysay oo joogto ah, taasoo sameysay isbedal, waxaana u arkay is-casilaadeyda inay noqon karto xal. Jabhadda TPLF waxay ku sifoobeen karti-galisimo, Musuq-maasuq iyo inay iska dhaadhiciyeen inay xilka iyaga leeyihiin," ayuu yiri Desalegn.

Desalegn oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo xumo ka muujiyay in qowmiyadda uu kasoo jeedo ee Tigrey-ga ay qayb ka noqdaan isbedaladda waa wayn ee ka dhacaya gudaha dalka Itoobiya, taasoo uu hormuud uyahay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

"Is-bedal walba oo cusub oo aan aniga sameeyay kahor EPRDF, waxaa mar walba caqabad ku ahaa TPLF, kuwaasoo aaminsanaa inay iyaga leeyihiin furlinta amarka," ayuu si cad daaha uga qaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya.

Bishii Febuary ee 2018 ayay ahayd markii Hailemariam Desalegn uu baneeyay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, waxaana talada la wareegay Abiy Axmed, kaasoo qowmiyada Oromadda kasoo jeeda, islamarkaana isbedalo la taaban karo la yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM