Geeri ka dhalatay dab qabsadey iskuulka carruurta aragga la'

Image
Mid ka mid ah dabkii ugu xumaa ee iskuulada dalkan soo wajahay ayaa ka dhacay sanadkii 2008-dii.

KAMPALA, Kenya - Kow iyo toban carruur ah ayaa ku dhintay dab subaxnimadii Talaadada maanta ah ka kacay dugsi ay wax ku bartaan carruurta aragga naafada ka ah oo ku yaalla dalka Uganda.

Afar kale ayaa, sidda ay xaqiijisay dowladda oo soo saartey war-saxaafadeed kooban, waxay xaaladoodu tahay mid aad u liidataa waxaana lagu daweynayaa isbitaal.

Waxaa la baarayaa waxa sababay dabkan ka kacay dugsiga la jiifto ee ku yaala magaalada Mukono ee bariga caasimadda Kampala, balse dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaan caadi ahayn.

Mid ka mid ah dabkii ugu xumaa ee iskuulada dalka ka dhacay ayaa ka dhacay dugsiga Buddo Junior 2008-dii. Sagaal iyo toban caruur ah ayaa ku dhintay.

Waxaa loo malaynayaa inay jireen ugu yaraan 27 carruur ah oo hurday gudaha qolka jiifka markii uu dabka ka kacayay dugsiga Indhoolayaasha ee Salama.

Dhowr jeer oo hore, dabka ka kaca iskuulka ayaa waxaa sabab u ahaa caruurta oo adeegsada shumac qolalka ay seexdaan ka dib marka nalka uu damo kadibna ay gubato.

Dadaalka samatabixinta ayaa inta badan waxaa caqabad ku noqday ciriiriga waddooyinka iyo qalabkii dab-demiska ee iskuulada oo ah mid aan gabi ahaanba hagaagsaneyn.

Warbixin uu taliska bilaysku soo saartay bishii March ee sanadkan ayaa waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 18 shilal dab ah ay ka dhaceen dugsiyada guud ahaan Uganda muddo saddex bilood gudahood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Sirdoonka Itoobiya: Sugidda amniga Badda Cas kuma koobnaan karto dalalka xeebaha leh

Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka Itoobiya ee ku aaddan amniga marin-biyoodka Badda Cas, oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

  • Afrika

    24-10-2026

  • 05:31AM

Wararkii ugu dambeeyey: Dhisme dabaqyo badan ka kooban oo ku dumay Nairobi

Warbaahinta caalamiga ah iyo tan Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga warbixiyey tirada…

  • Afrika

    23-10-2026

  • 03:36PM