Dhimasho ka dhalatay diyaarad uu leeyahay UN-ka oo la weeraray

Image
Wararka ayaa sheegaya in askariga geeriyoodey uu asal ahaan ka soo jeedo Koonfur Afrika.

NAIROBI, Kenya - Askari nabad-ilaaliye ayaa la dilay mid kalena waa la dhaawacay kaddib markii diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay lagu weeraray dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Axaddii, sida ay xaqiijiyeen ciidamada Qaramada Midoobay ee loo yaqaan MONUSCO.

Weerarka ayaa gelinkii dambe ee Axadii shalay ka dhacay gobolka Waqooyiga Kivu ee ay kacsan tahay, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay howlgalka MONUSCO.

Diyaaradda ayaa, si kastaba ha ahaatee, u suurtagashay in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Goma, sida ay warisay UN-ka, iyadoo aan la sheegin cidda ay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in askariga geeriyoodey uu asal ahaan ka soo jeedo Koonfur Afrika. Ciidamada Qaramada Midoobay ayaa tan iyo 1999-kii ku sugnaa DR Congo.

Bariga Congo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo 5.7 milyan oo qof ay ku barakaceen xaalad cunto yari, sidda laga soo xigtey Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, askari nabad-ilaaliye u dhashay Pakistan ayaa lagu dilay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo weerar ay maleeshiyaad maxalli ah ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta.

Bishii Luulyo 2022, afar askari nabad-ilaaliye ayaa la dilay intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday joogitaanka MONUSCO sababo la xiriira waxqabad la'aantooda.

Ugu yaraan 32 askari iyo saraakiil booliis ah oo ka qeyb qaadanayay howlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caalamka ayaa lagu dilay weeraro lala beegsaday sanadkii 2022, 13 ka mid ah waxaa lagu dilay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM