Dhinacyada ku lugta leh colaada Tigray oo shir lagu casuumay

Image
Wadahadaladan nabadeed ayaa la qorsheeyay in ay dhamaadka asbuucaan ka dhacaan Koonfur Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogaamiyaha ismaamulka Tigreega ee Itoobiya iyo dawladda Faderaalka ayaa lagu casuumay wadahadal nabadeed oo ka dhacaya Koonfur Afrika dhamaadka todobaadkan

Tani ayaa qayb ka ah dadaalka Midowga Afrikaka si loo soo afjaro mid ka mid ah dagaalladii aan indhaha laga qarsan ee adduunka, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Haddii Debretsion Gebremichael oo hogaamiya TPLF uu ka qayb galo wada-hadallada waxay noqon doontaa dadaalkii ugu sarreeyay ee dhameynaya dagaalkii labada sano socday ee kumanaanka qof dilay.

Dowladda Itoobiya oo kamid ah jilayaasha ugu muhiimsan colaadan dhiiga badan uu ku daatey ayaa aqbashay martiqaadka, sida uu sheegay lataliyaha amniga qaranka Redwan Hussein.

Sida ku xusan bayaan, Hussein ayaa ku tilmaantay wadahadalka "mid waafaqsan mawqifyadii hore ee dawladda Itoobiya" in wada-hadallada ay dhexdhexaadiyaan AU-da oo lagu qabto shuruud la'aan.

War-saxaafadeedkan oo warbaahinta baraha bulshadda ay si weyn u qaadaadhigeyso, si kastaba ha ahaatee, ma bixinayo tafaasiil ku saabsan cidda iman karta.

Diblomaasi ku sugan Addis Ababa ayaa sheegay in Midowga Afrika uu weli jawaab ka sugayo dhinaca Tigrayga. Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaan ka jawaabin codsi faallo bixin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar oo Dhex-dhexaadinaysa Rwanda iyo Congo

War-saxaafadeedka wadajirka ah ayaa ka hadlin sida xabbad-joojinta loo dhaqan gelin doono ama loo kormeeri doono.

  • Afrika

    19-03-2025

  • 02:20PM

Al-Shabaab Oo Weerartay Tuulo Ku Taalla Lamu, Kenya

Weli ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegay, laakiin xaaladda deegaanka ayaa weli ah mid xasaasi ah.

  • Afrika

    17-03-2025

  • 08:19PM