Dib-u-dhac ku yimid qorshe la xiriiray askarta Kenya ee Soomaaliya

Image
Baaqashada ayaa ka dambeysay kadib go'aan kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Difaaca Kenya ee loo garan og-yahay KDF ayaa ku qasbanaan doona inay baaqi kusii ahaadaan waqti dheer ka hor inta aysan ciidamadoodda kala bixin waddanka Soomaaliya.

Dib u dhaca ku yimid bixitaanka ciidamada Kenya ayaa waxaa sabab u ahaa go’aankii Midowga Afrika ee ahaa in askartooda ay sii joogaan Soomaaliya, maadaama Al Shabaab sii xoogeysaneyso.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya oo magaciisa saxda ah loo badalay ayaa go'aansaday inuu hakiyo qorshaha bixitaanka muddo lix bilood ah.

Ka bixitaanka dib u dhaca ah ayaa ciidamada u sahlaya in ay si waafi ah u garab istaagaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan kooxaha xagjirka ah.

Go’aanka ay ku kordhiyeen joogitaankooda oo la rumeysan yahay in ay Soomaaliya codsatay ayaa daba socday shir ay yeesheen golaha ammaanka AU-da oo dhacay Arbacadii 23 November.

Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu si tartiib tartiib ah u saaro in ka badan 2,000 oo askari laga bilaabo Disembar si loogu ogolaado ciidamada kale ee wax ku biirinaya, oo ay ku jiraan KDF iyo askarta Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi, inay baxaan December 2023.

Bishii Sebtembar 2022, Madaxweyne William Ruto ayaa ku adkeystay in askarta KDF ay sii joogaan Soomaaliya ilaa ay waajibaadkooda si dhameystiran u gudanayaan.

Ruto oo tallaabadaas difaacayay ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya ay fure u tahay ilaalinta xasiloonida Kenya oo sanadihii lasoo dhaafay ay khal-khal gelisay kooxda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM