Dibadbaxayaasha Sudan oo ku guuleystay halgenkoodii

Image

KHARTOUM Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare ee millatariga hadda maamula Sudan, ayaa wariyaasha u sheegay xalay saqdi dhexe kaddib, in ay ku heshiiyeen saddex sano oo dowlad kumeel gaar ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in isla maanta ay soo saari doonaan heshiiska kama danbeysta ah oo u dhaxeeya milatariga iyo isbaheysiga xorriyada Sudan ee hogaamiyanaya kacdoonka shacabka.

Heshiiskaas ayaa waxaa ku jira in labada dhinac ay soo dhisaan golaha wasiirada cusub iyo golaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa saddex marki loo qeybiyo laba qeyb ka iman doonto shacabka.

Sudan ayaa waxaa xakumayay gole milatari, tan iyo marki xakunka laga tuuray madaxweynihi hore, Cumar Al Bashiir, bishii April ee sanadkaan.

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM